Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo Kenya ka dalbatay inay joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu yeeraysaa Dowladda Kenya in ay si deg-deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo muddo badan ka dhur-sugaysay in hoggaanka dalka Kenya ay garowsadaan muhiimadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhaqan-dhaqaale, amni iyo siyaasad ee ka dhexeeya labada shacab iyo labada dowladood, ayaa waxaa ka go’an in ay qaaddo tallaabo kasta oo diblumaasiyadeed oo ay ku gudaneyso waajibaadkeeda dastuuriga ah ee la xiriira ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadineysaa hiilka dalalka Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika ee sida walaaltinimada leh ugu soo gurmaday shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, iyagoona u soo diray ciidamo ka qeyb qaata in dalka laga xoreeyo argagixisada, balse waxa ay adkaynaysaa in aysan marnaba aqbalayn in dalalka qeybta ka ah howl-galka Ciidanka Nabad Ilaalinta Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay u adeegsadaan xubinnimadooda dano u gaar ah, fara-gelinta arrimaha gudaha iyo hab ka baxsan awoodda sharciyeed ee ay ku joogaan  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xusuusinaysa dhiggeeda dalka Kenya daris wanaagga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka, inkastoo hab-dhaqanka cusub ee Dowladda Kenya uu kasoo horjeedo qarannimada Soomaaliya, curfiga caalamiga, mabaadi’da Ururka Midoowga Afrika, heshiisyada labo geesoodka iyo nabadgalyada guud ee Gobolka.

Previous Post

Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Hindise Sharciyeedka Hey’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda iyo Xeerka Lahaanshiyaha Xuquuqda Daabacaadda

Next Post

Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Oo ka qaybgalay munaasabad lagu dhaarinayay Kumaandooska Xoogga ee Gor-gor “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Oo ka qaybgalay munaasabad lagu dhaarinayay Kumaandooska Xoogga ee Gor-gor “SAWIRRO”

Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Oo ka qaybgalay munaasabad lagu dhaarinayay Kumaandooska Xoogga ee Gor-gor “SAWIRRO”

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In