Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo yeeshay kulan howleed

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo yeeshay kulan howleed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa  ka dhacay Muqdisho, kulanka oo looga dooday howlaha horutabinta u leh dhameeystirka dastuurka ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Shirka oo ka dhacay xarunta Aqalka Sare ee ay ku shaqeeyaan gudigga Baarlamaanka ayaa qodobada looga dooday waxaa kamid ahaa is-wareysi ku aadan howlaha u qabsoomay seddexda hay’ad iyo howlaha taagan ee u baahan in la qabto.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyay waxqabadka Wasaaradda ee bilihii la soo dhaafay, wuxuuna yiri:-“Sida aad la socotaan waxa aan kulamo-howleedyo la yeelanay in ku dhow 20 wasaarad oo katirsan XFS, kulamadaas oo lagu lafagurayay wasaarad walba doorka ay ku leedahay dhameeystirka dastuurka si loo helo aragti mideysan oo Dowladda Federaalka ku wajeheyso dhameeystirka dastuurka lagana hortago in hay’adaha dowladda isbar-baryaacaan si aanu dib-u-dhac ugu imaan dhameeystirka dastuurka”.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Senator Cabdiqaybdiid iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Gudigga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Marwo Muumino Sheekh ayaa si wadajir ah uga warbixiyay howlaha u qabsoomay iyaga oo sheegay in ay dhamaad ku dhowdahay qodobada dastuurka ee farsamo ahaan u baahan in la saxo.

Sidoo kale labada guddi waxa ay sheegeen iyaga oo fulinaya codsi ugu yimid Gudoonka Baarlamaanka in dhowaan marka uu furmo Kala-fadhiga Baarlamaanka ay horgeeyn doonaan warbixin soo koobeysa howlaha dib-u-eegista dastuurka, iyadoo ugu dambayn, seddexda hey’ad ayaa wax ay ku balameen in la joogteeyo wadashaqeynta lana kordhiyo kulamada la-tashiga dadweynaha si waqtigii loogu talagalay loogu dhameeystiro dastuurka.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Shirka IGAD oo Khartuum lagu soo gaba-gabeeyay

Next Post
Shirka IGAD oo  Khartuum lagu soo gaba-gabeeyay

Shirka IGAD oo Khartuum lagu soo gaba-gabeeyay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In