Friday, December 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada 1-aad ee Dalka oo hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Marwada 1-aad ee Dalka oo hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo shalay ka qeyb gashay munaasabadda xuska maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso ayaa bogaadin, duco iyo mahadcelin u jeedisay haweenka Soomaaliyeed ee sooyaalka dalkeenna kaga jira baal dahab ah.

Marwada ayaa xustay qaar ka mid ah haldoorka Haweenka Soomaaliyeed oo tusaale muuqda u ah kaalinta haweenka ee dib u dhiska iyo samata bixinta dalka, iyada oo guud ahaan haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay maalintan caalamiga ah ee loo asteeyey u qareemidda xuquuqdooda, iyadoo tiri:-“Halgankii gobonnimo doonka waxaa jiray hooyooyin lafdhabar u ahaa oo aan ka xusi karo Xaawo Cusmaan Taako iyo Timiro Cukaash. Waxaa jira kuwa haatan ah tusaale nool oo aan ku faani karno dadaalkooda iyo kaalinta ay ka gaysteen dhismaha Cusbitaallo, xarummo daryeel, ilaalinta deegaanka iyo ka qeyb galka nabad dhisidda”.

Related posts

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

December 25, 2025
Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025

Marwada Koowaad ee dalka ayaa dul-istaagtay duruufaha iyo masiibooyinka dabiiciga ah ee soo wajaha dalkeenna iyo saameynta gaarka ah ee ay ku yeeshaan haweenka iyo dhalllaanka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu dambeysay fatahaadihii Gobollada Hiiraan, Baay iyo Gedo. Marwada ayaa ku baaqday in la xoojiyo isku tashiga, is-garab istaagga iyo midnimada haweenka Soomaaliyeed oo aasaas u ah xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran.

“Aniga oo kaashaanaya gabdhaha Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika iyo culumadeena sharafta leh waxaan u istaagnay in aan gacan ka geysanno dadkii dhibaatooyinku ay ka soo gaareen fatahaadaha, waxaana laba magaalo oo aan tagnay Eebe nagu guuleeyay in aan uruurinno lacag gaareysa dhawr boqol oo kun oo Doollar oo si toos ah loogu wareejiyay guddiyadii hawshaas waday.” Ayay tiri Marwada Koowaad ee Dalka.

Munaasabaddu, intii ay socotay Marwada Koowaad ee dalka ayaa Shahaado Sharaf guddoonsiisay qaar ka mid ah haldoorka haweenka Soomaaliyeed ee dadaalka xooggan ku bixiya ilaalinta xuquuqda haweenka, midnimada, nabadda, daryeelka carruurta iyo kobcinta aqoonta gabdhaha.

Previous Post

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo kulan la yeeshay bahda Garsoorka ee Koonfurgalbeed “SAWIRRO”

Next Post

Wejiga 12aad ee Ololaha isxilqaan oo meel gabo gabo ah marayo.

Next Post
Wejiga 12aad ee Ololaha isxilqaan oo meel gabo gabo ah marayo.

Wejiga 12aad ee Ololaha isxilqaan oo meel gabo gabo ah marayo.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar, 25, 2025; Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa maanta codkeeda ka dhiibatay Seejada Xarunta...

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayso Marwada Koowaad ee dalka Marwo...

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

December 25, 2025
0

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda oo ku hadlaysa magaca dhammaan diblumaasiyiinta safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

December 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga dhiibtay codkiisa doorashada Golaha Deegaanka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In