Tuesday, June 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Biyaha Addunka oo Dhuusamareeb laga xusay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Maalinta Biyaha Addunka oo Dhuusamareeb laga xusay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta oo ah Maalinta Biyaha Aduunka ayaa Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug ay Wacyigalin ka samaysay Kaamamka ay ku nool yihiin Dadka Barakacayaasha ah ee Magaalada Dhusamareb waxaana la gaarsiiyey Agabyo kala duwan oo ay ka mid tahay Saabuunta, iyadoona lagu wacyigaliyey inay Nadaafadda ku dadaalaan si looga Gaashaanto Caabuqa Covid-19.

Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Axmed Shire Maxamed ayaa waxa uu Tilmaanay inay joojiyeen Munaasabadii lagu Maamuusi lahaa Maalinta, balse ka door bideen in Bulshada wacyigalin loo sameeyo gaar ahaan Dadka Barakacayaasha, sidoo kalena wax laga qaban doono Baahiyaha dhanka Biyaha ah loona samayn doono Biya galin.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026

Gudoomiye ku-xigeenka Arimaha Bulshada Magaalada Dhusamareb C/xakiin C/laahi Warsame ayaa dhankiisa ku baaqay in Dadkan loo sameeyo Gurmad dhinacyada Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Cuntada ah.

Dadka Maanta la tagay Kaamamkooda ayaa Muddo seddax sano ka hor ah waxa ay ka soo Barakaceen Deegaanada bari ee Gobolka Galgaduud ka dib markii Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka dheceen Xoolihii ay lahaayeen sidoo kalana qaar ka mid ah Caruurtooda ay Askareeyeen, taasina ku qasabtay inay soo Miciin bidaan Magaalada Dhusamareb iyo Meelo kale oo amaan ah.

Dhinaca kale munaasabad taa la mid ah oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee biyaha ayaa maanta lagu qabtay magalada kismaayo xili biyo la aan aad u baahsan ay ka jirto magaalada kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Previous Post

Gudoomiyaha arimaha bulshada Gobolka Banaadir oo booqatay xarunta loogu talagalay in lagu karantiilo Dadka uu soo rito Cudurka COVID19

Next Post

Taliyaha hoggaanka ilaalinta Canshuuraha oo ka digay in maciishadda la kordhiyo

Next Post
Taliyaha hoggaanka ilaalinta Canshuuraha oo ka digay in maciishadda la kordhiyo

Taliyaha hoggaanka ilaalinta Canshuuraha oo ka digay in maciishadda la kordhiyo

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

June 1, 2026
0

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund – NCF) oo kaashanaya Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha (MoEWR), isla markaana...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In