Danjiraha Jammuriyadda faderaalka soomaaliya ee dalka Hindiya Marwo Fadumo C/llaahi Maxamuud (Insaaniya) ayaa Jaaliyadda, Ardayda iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee dagan dalka Hindiya markale ku wargalisay in Safaradda ay muddo sii xirnaan doonto waqti kusiman labo todobaad oo hore leh, madama Dalka Hindiya iyo guud ahaan caalamka uu saameyay xanuunka Covid 19.
Dhankale safiirada ayaa waxa ay ku bogaadisay sida dadka soomaaliyeed ay ugu hogaasameen bandawga dalka ka jira iyo sida wanaagsan ee ay u rdhaqan galiyeen fariimahii caafiim ee Wasaraddaha Dowladda Hindiya heer gobolka iyo tan Fadetaalkaba kasoo baxaya.
Ugudanbeeyntii Marwo Fadumo Abdullahi Maxamuud ayaa badqab u rajeesay dhamaan ummadda soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool dalka Hindiya.
Halkan ka dhageeyso Codka Danjiraha.