Sunday, August 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Maxamed Cumar (Dhigic dhigic) oo Canada ku geeriyooday

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Maxamed Cumar (Dhigic dhigic) oo Canada ku geeriyooday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Maxamed Cumar Jaamac Ismaaciil (Dhigic dhigic) oo noqday Wasiirkii Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Safiir hore oo habeennimadii Isniinta, 6 April, 2020 ku geeriyooday Magaalada Toronto ee dalka Canada.

Danjire Maxamed Cumar Jaamac Ismaaciil (Dhigic dhigic)

Marxuum Maxamed Dhigic dhigic oo Qaranka Soomaaliyeed ugu adeeggay si daacadnimo oo nafhurnimo leh muddo ku dhow 23 sano, ayaa 15 sano ka mid ah ka shaqeynayay howlaha diblomaasiyadda, isagoo mar noqday Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Soomaaliya, waxaa kadib dhammaadkii todobaadtanaadkii loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Dalka Biljimka, afar sano kadib abaarihii sanadkii 1981 waxaa loo magacaabay Wasiirka Ganacsiga, muddo sanado kadib waxaa dib loogu magacaabay inuu Safiir ka noqdo isla dalka Biljimka, isagoo lagu xusuusto kaalinta mudnaanta leh ee uu ka qaatay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo dalka Biljimka iyo guud ahaan wadamada Yurub.

Related posts

Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

August 9, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

August 9, 2026

Danjire Maxamed Cumar Jaamac Ismaaciil (Dhigic dhigic) waxa uu tan iyo qaran burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya uu ku noolaa dalka Canada, isagoo kaalin muhiim ah oo muuqata ka qaatay yagleelidda iyo dhidiba u taagidda Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland sanadkii 1998, isagoo ka mid ahaa aqoonyahankii iyo indheergaradkii ka soo jeedday deegaannadaasi ee dib ugu soo laabtay dalka si maamul goboleedkaasi ugu saldhigaan.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Previous Post

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya AUN Nuur Cadde oo lagu aasay London

Next Post

Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay dhagarqabe watay walxaha qarxa

Next Post
Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay dhagarqabe watay walxaha qarxa

Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay dhagarqabe watay walxaha qarxa

Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

August 9, 2026
0

Maamulka Warbaahinta Qaranka ayaa abaalmarin lacageed guddoonsiiyay tartamayaasha degmooyinkii kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad ka galay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

August 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan...

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

August 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho ka socota xaflad si rasmi ah loogu shaacinayo, natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska

Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska

August 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In