Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Xildhibaan Aadan Cali Xasan

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Xildhibaan Aadan Cali Xasan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah ha u naxariistee, Marxuum Aadan Cali Xasan oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxwyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Marxuumka oo ka tirsanaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya uu door wanaagsan ka qaatay dib u habeynta hannaanka dhaqaalaha dalka, muddadii uu ahaa Xoghayaha Guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka, islamarkaasna uu ugu shaqeeyey dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed hufnaan, wadaniyad iyo daacadnimo.

Related posts

Ciidanka XDS oo howlgal qorshaysan ka fuliyay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose 

Ciidanka XDS oo howlgal qorshaysan ka fuliyay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose 

July 13, 2026
DFS oo hoos u dhigtay Calanka Qaranka si ay uga tacsiyeyso geerida Amiirka Qatar

DFS oo hoos u dhigtay Calanka Qaranka si ay uga tacsiyeyso geerida Amiirka Qatar

July 13, 2026

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Aadan Cali Xasan waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa ee uu ka qaatay dowladnimada, horumarka dalka iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Previous Post

Trump oo sheegay in dalkiisa uu ka gudbay meeshii ugu sarreysey sameeynta Corona  

Next Post

Hay’adda Lacagta Adduunka oo bilayiin Dollar ugu deeqday qaar ka mid ah wadamada Afrika

Next Post
Hay’adda Lacagta Adduunka oo bilayiin Dollar ugu deeqday qaar ka mid ah wadamada Afrika

Hay’adda Lacagta Adduunka oo bilayiin Dollar ugu deeqday qaar ka mid ah wadamada Afrika

Ciidanka XDS oo howlgal qorshaysan ka fuliyay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose 

Ciidanka XDS oo howlgal qorshaysan ka fuliyay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose 

July 13, 2026
0

Muqdisho - 13, luulyo, 2026: Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan ka fuliyay...

DFS oo hoos u dhigtay Calanka Qaranka si ay uga tacsiyeyso geerida Amiirka Qatar

DFS oo hoos u dhigtay Calanka Qaranka si ay uga tacsiyeyso geerida Amiirka Qatar

July 13, 2026
0

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in hoos loo dhigo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib geerida ku timid...

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

July 13, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In