Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si toos ah u sheegay inay qayb ka noqonayaan baaritaan lagu sameeyo cidda ka danbaysay in cudurka Crona Virus uu dunida ku faafo isla markaana uu laayo dad fara badan caalamka oo dhan.
Trump wuxuu sheegay in haddii Dawladda Shiinaha lagu caddeeyo inay ka danbaysay faafitaanka cudurka Crona ay tahay in tallaabo adag iyo ciqaab culus laga qaado arrintaas oo noqon doonta mid hor taalla caalamka oo dhan.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si gaar ah ugu hanjabay in Dawladda Maraykanku ay ciqaabi doontoo Shiinaha haddii la caddeeyo inay si ula kac ah u faafisay fayraska Corona, maadaama cudurkaasi uu dhibaatadii ugu darnayd u gaystay dalka Maraykanka.
Trump ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan talaabooyinka uu Mareykanku qaadi karo haddii sida uu sheegay la caddeeyo in cudurka Covuid19 la helo cidda dunida ku faafisay kana shaqaysay inuu dunida wada gaaro.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli toddobaadkan gudihiisa uu Madaxweyne Trump joojiyay kaalmadii uu siin jiray Ururka Caafimaadka Adduunka, isagoo ku eedeeyey in urukaasi uu u janjeero dhinaca Shiinaha.
Muranka u dhexeeya Washington iyo Beijing oo ah labada Dawladood ee ugu dhaqaalaha badan adduunka ayaa soo noqnoqday, isagoo hadda gaaray meeshii ugu sarraysay iyadoo horraantii sanadkan uu Madaxweyne Trump cudurkaan ugu magac daray Viruska Shiinaha.