Thursday, August 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Khaadkii ugu badnaa oo maanta lagu gubay Muqdisho+Sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Khaadkii ugu badnaa oo maanta lagu gubay Muqdisho+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo ay wehliyaan Hey’addaha Garsoorka, Taliska Qeybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaha Degmada Wadajir ayaa Saldhiga Booliiiska degmada Wadajir ku gubay 51 jawaan oo Maandooriyaha Khaat-ka ah, kaasi oo si sharci darro ah lagu soo geliyay Muqdisho.

Taliyaha Qeybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Yuusuf Xundubeey ayaa sheegay in xalay Howlgal ay  fuliyeen ugu suura gashay in ay gacanta kusoo dhigaan gawaari lagu siday Khaat sharci darro ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

August 20, 2026
Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026

Dhinaca kale Xeer ilaalinta iyo Maxkamada Gobolka Banaadir oo goobta ku sugnaa ayaa xukunno 6 bilood oo xarig ah ku riday Milkiilayaasha Gawaaridaasi oo Afar ruux ah, kuwaasi oo baxsad ah, iyadoona sidoo kale Laamaha Garsoorka oo cuskanaya qodobo dastuuri ah sheegay in lala wareegay 4 Gawaari oo ahaa kuwii lagu qabtay Khaat-ka.

Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin kuwa aan u hogaan-samin awaamiirta Dowladda oo ahaa in aan wax khaat ah lasoo gelin-karin dalka maadaama lala dagaalayo Cudurka COVID19, isla markaana Khaat-ka uu ka mid yahay Maandooriye aan caafimaad ahaan Bulshada u wanaagsaneen sahli karana faafitaanka COVID19.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxa ay laamaha Ammaanka ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan, Doomo iyo Gawaari si sharci darro ah Magaalada Muqdisho kusoo gelinayay maandooriyaha Khaat-ka, iyadoona lala wareegay gaadiidkaasi jibiyay amarada Dowladda.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Dalalka Saaxiibka la ah Soomaaliya oo Kawada hadlay Xakameynta COVID-19

Next Post

Hay’adda Hormuud foundation oo billaawday olole deeq lagu gaarsiinayo 10,000 oo qoys+Sawirro

Next Post
Hay’adda Hormuud foundation oo billaawday olole deeq lagu gaarsiinayo 10,000 oo qoys+Sawirro

Hay’adda Hormuud foundation oo billaawday olole deeq lagu gaarsiinayo 10,000 oo qoys+Sawirro

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

August 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad uu uga hadlayay horumarka Warbaahinta ka...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo dhiggiisa dalka Masar, Badr Abdelatty, ayaa Talaadadii khadka taleefanka wada-hadal ku...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka Boqortooyada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In