Saturday, November 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Oo Ganacsatada Ugu Baaqday Inay Safka Hore Ka Galaan Qorshaha Kahor Taggga COVID-19

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Oo Ganacsatada Ugu Baaqday Inay Safka Hore Ka Galaan Qorshaha Kahor Taggga COVID-19
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Eng. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in hantidooda ay uga qayb qaataan qorshaha xakameynta COVID-19, sidoo kale ay ku dadaalaan inaan sare loo qaadin qiimaha la kala siisto badeecada gaar ahaan cunnada aasaaska u ah nolosha bulshda iyo inay ku tarsamaan wax soo saarka gudaha si looga maarmo ku tiirsanaanta cunnada dibadda laga soo dhoofiyo.

Eng. Cabdullaahi Cali Xasan waxuu sheegay in xukuumaddu ay xooggeeda isugu geysay in ganacsatada loo fududeeyo wax kasta oo qayb ka qaadan kara horumarinta ganacsiga, cunnada qaarna cashuur dhaaf iyo canshuur dhimis loogu sameeyay, sabab la xariirta in dadka nugul aysan dareemin saameynta ka dhalaneysa tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19.

Related posts

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025

Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada, Fowsiya Abiikar Nuur, oo sheegtay in dib-u-dhis ballaaran lagu wado Isbitaal Banaadir, qaybta loogu tala galay la tacaallida COVID-19, ayaa u mahad celisay shirkadda Isgaarsiinta Horumuud oo bixineysa qarashaadka ku baxay dib-u-dhiska.

Maamullada Isbitaallada gaarka loo leeyahaya ayey wasiirku ugu baaqday inay bukaannada si wanaagsan u qaabilaan, baaritaan marsiiyaan iyaga oo taxadaraya, bukaankii ay ka shakiyaanna ay ku wareejiyaan qaybka ku shaqada leh la tacaallidda cudurka COVID-19, si looga baaqsado in qof Soomaaliyeed uu dhibaato usoo gaarto daryeel xumo.

Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19, Dr Maxmed Cali Fuje, ayaa bulshada kula darmaarmay inay qaataan tillaabooyinka caafimaad, si ay qayb uga noqdaan qorshaha xakameynta cudurka dilaaga ah “Walaalayaal COVID19 Hargab daran ma aha. Waa xanuun halis ah, Waa xanuun wata qandho daran, cune xanuun iyo in uu marka dambe qofku neefsan waayo oo sambabadu istaagaan, taas oo keeneysa geeri”, ayuu yiri Dr. Fuje

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kulan la qaatay safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan ayaa ku war geliyay in dhammaan barnaamijyadii qorsheysnaa ee dowladda lagu caawinayay loo leexiyo wax ka qabashada cudurka halista ah ee COVID-19 iyo caawinta dadka nugul ee saameynta ay ku yeelanayaan tillaabooyinka lagu xakameynayo cudurka.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo isbitaallada Fartay in ay qaabilaan bukaannada u baahan daryeelka.

Next Post

Dowladda oo Si Dhammeystiran U Qalabeysay Isbitaalka Martiini Ee Loo Asteeyay Daweynta Bukaannada COVID19

Next Post
Dowladda oo Si Dhammeystiran U Qalabeysay Isbitaalka Martiini Ee Loo Asteeyay Daweynta Bukaannada COVID19

Dowladda oo Si Dhammeystiran U Qalabeysay Isbitaalka Martiini Ee Loo Asteeyay Daweynta Bukaannada COVID19

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In