Friday, May 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo shaacisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda oo shaacisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in maalinta berri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, bulshada kuwaaada wax heysatana looga baahanyahay inay is caawiyaan.

Guddoomiyaha Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed Sheekh Maxamuud Cabdi Baari ayaa sheegay in tan iyo maqribkii caawa ay u joogeen istuudiyaha Radio Muqdisho xaqiijinta bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaliyeed oo isna bulshada kala la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in culimada iyo Madaxda Wasaaradda Diinta ay iska kaashadeen raadinta bisha barakeysan, waxaana uu shacabka  ugu baaqay inay ka faa’iideystaan bilashada bisha Ramadaan, ganacsataduna ay shacabka u dhibriyaan.

Sheekh Cali Wajiis oo ah lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka Diinta ayaa sheegay in mowduuca la isugu yimid ay tahay in la sugo bilashada bisha Ramadaan, isla markaana dadaal badan lagu bixiyay sidii arrintaasi loo xaqiijin lahaa.

Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in qeybo badan oo dalka ka mid ah laga arkay bilashada bisha Ramadaan, isagoo intaa ku daray inay xiriiro la sameeyeen culimaa’udiin Soomaaliyeed, maalinta berita ahna ay tahay maalin soon.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Sheekh Cumar Cabdicasiis Faaruuq ayaa sheegay in maqrabkii ilaa iyo hadda la wacayay gobolo kala duwan oo dalka ka mid ah, isagoo xaqiijiyay in beri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan kaddib xiriiro kala duwan oo ay la sameeyeen culimaa’udiin badan.

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan Ramadaan oo ku aadan beri oo Jimco ah, waxaana uu ganacsatada ugu baaqay inay afuriyaan walaalahood aan waxba heysan.

“Ganacsatada waxaan ka codsaneynaa inay isu gar gaaraan oo ay gacan siiyaan shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan, waxaan rabnaa in gebi ahaanba la xiro goobaha shaaha lagu cabi jiray iyo maqaayadaha xilliyada maalintii la canteen jiray, Alle ha naga dulqaado dhibaatada cudurka, Ramadankan kiisa kale Alle ha nagu gaarsiiyo bash bash iyo Barwaaqo” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya.

 

 

 

Previous Post

Khayre: “Qalab Caafimaad Oo Dibdda Aan Ka Dalbannay Ayaa Dhawaan Dalka Soo Gaaraya, Waxaana Loo Qaybinayaa Dowlad Gobaleedyada”

Next Post

Dowladda Oo Diyaarisay Qorshe Lagu Yareynayo Saamaynta Cudurka COVID-19 Uu Ku Yeelanayo Waxbarashada

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay

Dowladda Oo Diyaarisay Qorshe Lagu Yareynayo Saamaynta Cudurka COVID-19 Uu Ku Yeelanayo Waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aysan diyaar u ahayn in ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in midnimada shacabka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u tahay geeddi-socodka dib...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In