Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa labaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Beladweyne Vs Boondheere oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Beladweyne Vs Boondheere ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag.
Beladweyne
Tartamayaasha Degmada Beladweyne ee gobolka Hiiraan waxaa la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareermartay Boondheere, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Beladweyne waxay noqotay lix (6) dhibcood.
Boondheere
Tartameyaasha Degmada Boondheere ee gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex su’aal, waxaana ay iska qaldeen afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Beladweyne, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Boondheere ay heleen waxay noqotay sideed (8) dhibcood.
Tartamayaasha Degmada Boondheere ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka saddexaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Jilib Vs Xamarweyne oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada dhexe iyo Banaadir.