Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hogaamiyaha Mucaaradka Liibiya General Hafter oo Ku Dhawaaqay Xabbad Joojin

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
Hogaamiyaha Mucaaradka Liibiya General Hafter oo Ku Dhawaaqay Xabbad Joojin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeen u hadlay hogaamiyaha xoogaga hubaysan ee mucaaradka Liibiya General Khaliifa Haftar ayaa si rasmi ah u sheegay in ciidamadoodu ay diyaar u yihiin xabad joojin tiirar adag ku taagan iyagoo ixtiraamaya bisha barakaysan ee Ramadaan waa sida uu hadalka u dhigay.

Wararka ka imanaya dalka Liibiya ayaa sheegaya inay jiraan in xoogaga General Xaftar in ay muddooyinkii danbe garab iyo gaashaan ka helayeen militariga Ruushka iyo dawladda Emaraadka taasoo u sahashay inay dagaalo adag la galaan Dawladda caalamku aqoonsan yahay ee Liibiya oo uu hogaamiyo Madaxweyne
Al-wifaaq.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

July 14, 2026
Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

July 14, 2026

Balse General Haftar ayaa xiligan waayay garab badan oo uu ka heli jiray dhinacyadaas taasoo ku timi cadaadis golaha amaanka ee QM ay saareen ruushka iyo Emaraadka iyadoo lagu adkeeyey inay joojiyaan garab siinta dhinacyada Liibiya isku haya si nabad loogu soo dabaalo dalkaasi.

Waxaana la tilmaamay in ciidamadiisu ay la kulmeen guuldarrooyin badan asbuucyadii la soo dhaafay, arintaas oo horseeday inuu ku dhawaaqo xabad joojin maadaama ciidamada Dawladda Liibiya ay ka awood roonaadeen maalmihii u danbeeyey xoogaga mucaaradka ee General Xaftar.

Previous Post

Galmudug oo xoojineyso Xarumaha ka hortagga Covid-19

Next Post

In ka badan 3.4 milyan oo qof ayaa Qaba Cudurka CoronaVirus Adduunka oo dhan

Next Post
In ka badan 3.4 milyan oo qof ayaa Qaba Cudurka CoronaVirus Adduunka oo dhan

In ka badan 3.4 milyan oo qof ayaa Qaba Cudurka CoronaVirus Adduunka oo dhan

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta ku saxiixday buugga...

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

July 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sweden Cabdikariin Maxamed ayaa booqasho tacsiyeed ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee Stockholm,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

July 14, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta...

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa khudbad rasmi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In