Friday, July 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo deeqdii seddexaad oo agab caafimaad ah ka heshay Dowladda Turkiga si looga hortago xanuunka Koroona feyrus “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 4, 2020
in Wararka
0
Soomaaliya oo deeqdii seddexaad oo agab caafimaad ah ka heshay Dowladda Turkiga si looga hortago xanuunka Koroona feyrus “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawsiya Abiikar Nuur, ayaa maanta oo Isniin ah guddoontay deeqdii seddexaad oo kaalmo caafimaad oo ka timid Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Turkiga oo lagu soo gaarsiiyay Muqdisho labo diyaaradood milatari oo kuwa xamuulka ah si loo taageero dadaalka looga hortagayo, laguna xakamaynayo xanuunka Koroona feyrus.

Soomaaliya ayaa kaalmo agab caafimaad oo wax looga qabanayo Koroona feyrus ka kala heshay bisha cas ee Turkiga 17 April, Dowladda Turkiga 2 May, iyo maanta oo ah 4 May oo ay la wareegtay shixnado ay iska kaashadeen Dowladda Turkiga iyo hey’adaheeda oo ay ka mid tahay TİKA.

Related posts

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Ciidamada Xoogga oo ka hortegay weerar ay Khawaarijtu ku qaaday Sabiib iyo Caanoole

July 25, 2025
Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)

Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)

July 25, 2025

Shixnadaha kaalmooyinka agabka caafimaad oo huwanaa halkudhigga “rajo xumada waxaa ka dambeeya yididiilo weyn , mugdigana waxaa ka dambeeya qorax iftiin badan” ayaa waxaa wareejiyay Mudane Ozan PEKİN, Safiir kuxigeenka Turkiga iyo Galip YILMAZ, iskuduwaha barnaamijyada TİKA ee Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa agabkaasi dharka isku-joogga ilaalinta leh oo uu wehliyo ookiyaale, galoofyo iyo maaskaro, waxa kale ka mid ahaa 100 sariir oo loogu talogalay qeybta daryeelka degdegga ah ee Isbitaallada la tacaala xanuunkani oo ay ku deeqday hey’adda TİKA.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha, Dowladda iyo Shacabka Turkiga, isagoo bogaadiyay kaalmadooda caafimaad iyo garab istaaggooda Soomaaliya, waxaana uu ku nuux nuuxsaday qotodheerida xiriirka taariikhiga ah ee qadiimiga ah ee labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah u dhexeeya.

Turkiga waxa uu balanqaaday in caawinaado dheeraad ah oo agab caafimaad ah uu soo gaarsiin doono Soomaaliya oo ka qeyb ah ololihiisa bani’aadannimo ee damiirka dadnimo leh ee uu deeqo caafimaad oo lagu xakamaynayo cudurka safmarka ah ee Koroona feyrus ku gaarsiiyay in ka badan 57 dal.

 

 

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada oo kulan habka adeegga casriga ahee Internet la qaatay Dalladaha Waxbarashada Dalka

Next Post

Tartamayaasha Degmada Buur-hakaba oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Buur-hakaba oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Buur-hakaba oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Ciidamada Xoogga oo ka hortegay weerar ay Khawaarijtu ku qaaday Sabiib iyo Caanoole

July 25, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya ciidamada Difaaca Dadka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, ayaa saaka aroortii abbaaraha 6:20...

Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)

Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)

July 25, 2025
0

Cudurka Kaduudiye ama Kaduudshe (Af Ingiriis : Chikungunya, Af Carabi : ar‎) waa xanuun uu keeno fayruska Chikungunya, qofka uu...

DEG DEG Khawaarij lagu laayey Gobolka Shabeellaha Hoose iyo dagaal culus oo ka socda.

DEG DEG Khawaarij lagu laayey Gobolka Shabeellaha Hoose iyo dagaal culus oo ka socda.

July 25, 2025
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka si geesinimo leh u fashiliyey weerar naf la caari ah oo ay Khawaarijtu kusoo...

Canada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga

Canada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga

July 25, 2025
0

Ra’iisul wasaaraha Dalka Kanada Mark Carney ayaa sheegay in diidmada Israa’iil ee gargaarka bini’aadanimada Gaza ay tahay xadgudub kahor imaanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In