Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Amniga Galmudug oo la wareegtay Maleeshiyo beeleedyo iyo Gaadiid dagaal si loo  Qarameeyo+SAWIRRO

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Amniga Galmudug oo la wareegtay Maleeshiyo beeleedyo iyo Gaadiid dagaal si loo  Qarameeyo+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda amniga Galmudug ayaa qaar kamid ah beelaha dega  Gobalka Mudug kala wareegtay hub iyo gadiid dagaal, taas oo qeyb ka ah qorshaha  dardar gelinta diyaarinta Ciidamada daraawiishta Galmudug iyo in dhammaan deegaanada Galmudug ay gacanta ku dhigaan ciidamo ka amar qaata maamulkaas.

Qaar Ka mid ah horjoogayaashii maleeshiyo beeleedyada waraajiyay hubka iyo gaadiidka ayaa xusay in ay diyaar u yihiin ka mid noqoshada Ciidamada daraawiishta Galmudug ee la qorsheynayo in marka ay soo dhamaadaan tababaridooda ay ka qeyb qaataan ololaha xoogan ee loogu jiro sugida amniga iyo la dagaalanka argagixisada si waqtiyada Soo socda looga xoreeyo dagmooyinka iyo  deegaanada Fara ku tiriska ee maleeshiyada Al-shabaab kaga dhuumaaleysanayaan deegaanada Galmudug.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025
Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025

Wasiirka wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo la wareegay maleeshiyadaan ayaa uga mahad celiyay waxgaradka beelaha ay maleeshiyaadkoodu wareejiyeen agabkaan ciidan kaalinta ay ka qaateen in uu taabo galo, isagoo dhanka kalana sheegay in maleeshiyaadkii horay u heystay hubka iyo gaadiidka dagaal ee lagu wareejiyay ay u sameeyn doonaan dhaqan celin iyo tababar isla markaana ay ka mid noqon doonaan Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshahooda ugu horreeya uu noqon doono ka shaqeynta amniga iyo nabad galyada Guud ahaan deegaanada Galmudug si argagixisada looga xureeyo deegaanada ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Guddiga joogtada Golaha Shacabka oo ka shiray Ajendaha ugu horreeya Kalfadhiga 7-aad ee Golaha

Next Post

Midowga Yurub oo ku baaqay in laga saaro ciidamada ajaanibta ee ku sugan Liibiya

Next Post
Midowga Yurub oo ku baaqay in laga saaro ciidamada ajaanibta ee ku sugan Liibiya

Midowga Yurub oo ku baaqay in laga saaro ciidamada ajaanibta ee ku sugan Liibiya

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

November 26, 2025
0

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, kaas oo maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In