Muwaadiniyiinta oo tiradooda gaareysay 133 qof ayaa waaxaa maanta safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda mar kale dib ugu celiysay dalkooda, muwaadiniintan ayaa kamid ahaa dadkii xanuunka saf-marka ah ee COVID-19 uu ku xayirey dalka Uganda.
Dadkan oo u kala socda magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, ayaa waxaa ku jirey ardayda Jaamacadaha kala duwan ee dalka Uganda wax ka baraneysay iyo kuwo kale oo siyaabo kala duwan u joogay dalka.
Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) oo ku sugnaa gudaha garoonka ayaa muwaadiniyiinta ka saacidayay wax walba oo aay u baahanyahiin asigona qof walba mid mid u weydinayay haddii ay jirto cabasho ama wax u baahan yahay in laga caawiyo.
Tirada guud Muwaadiniyiinta Soomaaliyeed ee ku xayirneed dalka Uganda ee ilaa iyo hadda Safaaradda Soomaaliya ee Uganda dalkii dib ugu soo celisay ayaa ah 217 qof, iyadoo sido kale Safaaradda ay wado dadaalo dib looga celinayo Muwaadiniinta Uganda ku xayiran.