Madaxwayne Ismaaciil Cumar Gelle ayaa 14-kii bishan ayaa dalkiisa Djibouti ku marti geliyey wada hadalalada Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland si loo sii wado wada-xaajoodkii soo socday sannadihii lasoo dhaafay.
Waxana madasha tagay wafdi balaan oo ay kala hogaaminayeen Madaxweynaha dawladda Federalka Somaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi,Waxana sidoo kale ka qayb-galay ra’isul wasaaraha Itoobiya iyo diplomasiyiinta beesha caalamka oo uu hormuud u ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Yamamota.
Madaxwaynaha Jabuuti oo shirka furay ayaa sheegay inay wada hadalladaan ka rajeyneyaan wax kheyr u ah umadda soomaaliyeed.
Madaxwayne Farmaajo ayaa shegay inay muhiim tahay in madaxda maanta ka tagaan dhaxal wanaagsan si dhallinyarada Soomaaliyeed looga saaro dhibaatooyinka rigaadiyay loogana shaqeeyo inay helaan mustaqbal wanaagsan.
Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa dhankiisa tilmamay in shirkaan saameyn ku leeyahay Soomaali oo dhan, dhankoodana diyaar u yihiin inay dhegeystaan ra’yiga ka duwan si loo gaaro xal.
Shirkaan socday dhowrka maalmood ayaa laga soo saaray qodobo ay ugu muhiimsanaayeen:
Sidii loo sii wadi lahaa wada hadallada, meel marinta heshiisyada shirarkii hore iyo soo celinta kalsoonida labada dhinac.
Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay in mar kale la sii anba qaado wada hadalladii u dhaxeeyay labada dhinac si lo gaaro xal lagu wada qanacsanayahy guulna gaarsiin kara shacaba Soomaaliyeed.
Muhiimadda Wada Hadalladaan
- In miiska wada hadalka mar kale la fadhiisto waxay caddeyneysaa in wada hadalku yahay dariiqa lagu xallin karo kala aragti duwanaanshaha labada dhinac.
- Haddii wada hadalladu sii socdaan waxaa la ogaanaya waxyaabaha lagu mideysan yahay iyo meelaha lagu kala aragti duwanyahay taas oo soo dhaweyneysa masaafada labada dhinac u dhaxeysa.
- Haddii la ogaado waxa lagu mideysan yahay waxaa ka dhalanaya in laga wada shaqeeyo la iskana kaashado.
- Sidoo kale qodobada la isku khilaafsanyahay waxaa loo raadinaya xal ay labada dhinac ku qanci karaan.
- Wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu qayb ka qaadanaya soo celinta kalsooni iyo is aaminaad dhex marta labada dhinac.
- Ugu danbeyna, wada hadalka waxaa ka dhalan karaa is fahan iyo wada noolaansho bulshadeed.
Shirkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmo kadib dalka looga dabbaal degi doono sannad guuradii lixdanaad ee ka soo wareegtay markii shacabka Soomaaliyeed iska dul qaadeen gumeystihii reer Yurub kuna midoobeen dowlad mida.
W.Q: Axmed Maxamed Axmed