Thursday, December 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Senator Naciimo Oo Soo Dhoweysay Qoondada Haweenka Ee Baarlamaanku Meelmariyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Senator Naciimo Oo Soo Dhoweysay Qoondada Haweenka Ee Baarlamaanku Meelmariyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Senator Naciimo Ibraahim Yuusuf oo ka tirsan Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siisay Radio Muqdisho ayaa si diiran u soo dhoweysay qoondada haweenka ee uu meelmariyay Golaha Shacabka kaddib markii uu maalmo ka doodayay sidii xeerkaasi lagu meelmarin lahaa.

“Qoondada haweenka 30% aad ayaan ugu faraxsanahay, waa wax muddo dheer loo soo dagaalamayay oo runtii gabdhihii naga horeeyay ee bulshada rayidka, dad badan ay waqti u soo geliyeen annaga naftirkeena sidaas kuraasta ku helnay”. Ayay tiri Senator Naciimo

Related posts

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furtay kulan wadatashi ah

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furtay kulan wadatashi ah

December 4, 2025
Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo booqday ciidamo tababar ku qaadanaya dalkaas

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo booqday ciidamo tababar ku qaadanaya dalkaas

December 4, 2025

Naciimo ayaa hadalkeeda ku dartay “Waxaa la rabaa in la ogaado kuraasta aan ku fadhinaa waxaa iska leh beelo Soomaaliyeed, dhaqanka Soomaaliyeedna runtii waa dhaqan marwalba culeys ku ah gabdhaha waan ku faraxsanahay in nala siiyo qoondada haweenka”.

Senator Naciimo Ibraahim ayaa hoosta ka xariiqday in Haweenku ay juhdi ugu jiraan sidii ay ku heli lahaayeen qoondada 30%, iyadoo ugu baaqday dadka ama beelaha uu ku maqan yahay saamigaasi looga baahan yahay in xagooda laga helo.

Ansaxinta Qoondada haweenka ayaa micnaheedu yahay in kuraasta golaha ay haweenku kuleeyihiin in hadda wixii ka dambeeya u tartami doonaan keliya haween gaar ahaan Baarlamaanka 11-aad ee soo socda.

Previous Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday xeerka Matalaadda Gobolka Banaadir iyo xeerka kuraasta Gobollada Waqooyi “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Bacaadweyne “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Bacaadweyne “SAWIRRO”

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Bacaadweyne “SAWIRRO”

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furtay kulan wadatashi ah

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furtay kulan wadatashi ah

December 4, 2025
0

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray kulan wadatashi ah...

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo booqday ciidamo tababar ku qaadanaya dalkaas

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo booqday ciidamo tababar ku qaadanaya dalkaas

December 4, 2025
0

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia , oo ay weheliyaan diblomaasiyiinta Safaaradda, ayaa maanta booqasho iyo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliyeed

December 4, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo guddoomiyey kulanka Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo guddoomiyey kulanka Guddiga Joogtada

December 4, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyey kulanka Guddiga Joogtada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In