Wednesday, March 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Warfaafinta Oo 20-ka Bishan Daah Furaysa Tartan Dalxiis Oo Guud Ahaan Dalka Oo Dhan Ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Warfaafinta Oo 20-ka Bishan Daah Furaysa Tartan Dalxiis Oo Guud Ahaan Dalka Oo Dhan Ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Farxiyo Samaan Maxamed ayaa ku dhawaaqday in 20 ka bishaan ay Wasaaraddu daah fureyso tartan dalxiis oo u dhexeeya Degmooyinka dalka, kuwaasi oo lagu soo bandhigayo quruxda iyo horumarka ka muuqda degmooyinka gobollada dalka.

Marwo Farxiyo Samaan Maxamed Agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanka

Marwo Farxiya ayaa sheegtay in maalmahan ay socdeen tartamo ay soo bandhigayeen quruxda qaar ka mid ay degmooyinka Gobolka Banaadir iyo gobollada qaar, kuwaasi oo lagu muujinayay inay yihiin goobo ku haboon dalxiiska.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026

“Waaxda Dalxiiska ee Wasaarada Warfaafinta waxa ay qorsheysay tartan dalxiis oo guud oo dalka oo dhan ah, madaama aan heysano dal qurux badan, Xeeb dheer, goobo taariikhi ah oo aad loogu xusi karo dalxiiska, sidaa daraadeed Waaxda Dalxiiska waxa ay soo jeedineysa in 20-ka July la daah furi doono tartanka” ayay tiri Agaasime Farxiya Samaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha Wasaaradda ee ku aadan qabashada tartan dalxiis oo loo qabanayo degmooyinka Gobollada dalka.

“Wasaaradda Warfaafinta iyada oo ka duuleysa ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay soo nooleynta Dalxiiska oo ah qeyb weyn oo hadda runtii sida loogu talagalay aan u shaqeyn, isla markaana gudaneysa waajibaadka ka saaran inay la tartanto Dunida oo dalxiiska hadda ka noqday kaabayaasha koowaad ee dhaqaalaha “ ayuu yiri Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta.

Agaasimmaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaalla

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Wasaaraddu ay waddo dadaal ku aadan in indhaha caalamka la tuso in Soomaaliya ay tahay meel ku wanaagsan oo loo soo dalxiis tegi karo, maadaaa dalku leeyahay goobo ku wanaagsan dalxiiska iyo dhanka cimilada, lana dhiiri gelin doono dhallinyarada muujiyay baahida loo qabo in la helo goobo dalxiis.

“Waxaan Dhawaan Wasaaraddu ay qaban doontaa kulan balaaran oo lagu daah furayo markii ugu horeysay in la asteeyo goobaha dalxiis ee wadanku uu yeelanayo, anago rajeyneyno in taasi ay sahli doonto in qofka Soomaaliga ah ee rabo in degmo ka degmo uu u safro ama qofka Ajnabiga ah ee rabo in Soomaaliya uu u soo safro in uu heli karo meeqo goobood oo dalxiis ayaa ka jirta Soomaaliya” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa ku daray in 20-ka bishan la soo bandhigi doono qorshaha asteynta goobaha dalxiiska ee dalka.

Agaasime Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa ku wargeliyay saamileyda Dalxiiska iyo dadka daneeya arrimaha dalxiiska inay la soo xiriiri doonaan madaxda Wasaaradda, lana tixgelin doono tallooyinkooda ku aadan horumarinta dalxiiska dalka.

 

Previous Post

Dawladda Turkiga Oo Sheegtay Inay Sii Wadayso Taageerada Ay Siiso Dawladda Caalamku Aqoonsanyahay Ee Liibiya

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Oo Xariga Ka Jaray Fagaaraha Midnimada “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Oo Xariga Ka Jaray Fagaaraha Midnimada “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Oo Xariga Ka Jaray Fagaaraha Midnimada “SAWIRRO”

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

March 18, 2026
0

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu talagalay Ciidda u qeybiyey hooyooyin iyo carruur ku jira Isbitaalka Xoogga,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In