Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Billad Sharaf Guddoonsiyay Xubno ka tirsan Guddigii Qaban qaabada 60 Guuradii +Sawirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Billad Sharaf Guddoonsiyay Xubno ka tirsan Guddigii Qaban qaabada 60 Guuradii +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho Sharaf ku maamuusay Guddigii Todobaadka Xoriyadda iyo Midnimada, hormuudka Olalaha Isxilqaan iyo Maamulka Warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dul istaagay dadaalka wadajirka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku bixinayaan dowlad dhiska, midnimada iyo soo celinta maqaamka dalkeenna.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in ololaha isxilqaan la sii dardar-geliyo si loo dhammeystiro goobaha haatan uu dhismahoodu socdo, loona bilaabo mashaariic cusub, isaga oo muujiyey in Ololaha Isxilqaan looga golleeyahay in dadka Soomaaliyeed ay dib u dhisantaan xarumaha danta guud, kaabeyaasha dhaqaalaha, soocelinta bilicda dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Billad Sharaf guddoonsiiyey Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, taas oo ay ku muteysteen kaalintii mugga lahayd ee ay ka qaateen Olalaha Isxilqaan iyo qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirka Caddaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro kale oo ka tirsan Xukuumadda, Saraakiil Ciidan iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 51 Qof Oo Cusub Ay Ka Bogsoodeen Feyruska Karoona

Next Post

Ra’isul wasaarihii dalka Ivory Coast oo Geeriyooday isagoo da’diisu aheyd 61 sano

Next Post
Ra’isul wasaarihii dalka Ivory Coast oo Geeriyooday isagoo da’diisu aheyd 61 sano

Ra'isul wasaarihii dalka Ivory Coast oo Geeriyooday isagoo da'diisu aheyd 61 sano

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In