Raโiisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaaย gaaray magaalada Garoowe, si uu uga qayb galo aaska Allaha u naxariistee Raโiisul Wasaarihii Hore Xasan Abshir Faarax maanta lagu aasi doono halkaas.
Waxaa garoonka ku soo dhoweeyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka iyo qaar kamid ah shacabka magaalada.
Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa saaka ka kicitamay magaalada Dhuusamareeb oo uu ku sugnaa maalmihii u dambeeyay.