Saturday, April 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha Dalka Iyo Madax Kale Oo Garoowe Kaga Qeybgalay Aaska Ra’iisul Wasaarihii Hore AUN Xasan Abshir Faarax “SAWIRRO”

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha Dalka Iyo Madax Kale Oo Garoowe Kaga Qeybgalay Aaska Ra’iisul Wasaarihii Hore AUN Xasan Abshir Faarax “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Garoowe, waxaa maanta lagu aasay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Allaha u naxariistee, Xasan Abshir Faarax, iyadoo Aaskiisa ay ka qeybgaleen, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha dalka,  Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno kale.

Sidoo kale waxaa aaska Marxuumka ka qeybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin, Isimo iyo ehelada Ra’iisul Wasaarihii hore Marxuum Xasan Abshir Faarax oo lagu Aasay qubuuro ku yaala dhanka bari ee magaalada Garoowe xarunta Gobolka Nugaal.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

April 11, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026

Meydka Ra’iisul Wasaare, Xasan Abshir, ayaa saaka laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qeybgalay salaadda Janaazada oo lagu oogay gudaha garoonka ka hor inta aan loo duulin Garoowe.

Xasan Abshir Faarax, ayaa 12 bishan Luulyo ku geeriyooday dalka Turkiga, waxaa uu soo qabtay xilal kale duwan, waxaa uu Wasiirka koowaad ka soo noqday  dowladdii KMG aheyd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay magaalada Carte ee dalka Jabuuti sanadkii 2000.

Marxuuma Xasan Abshir ayaa sidoo kale, soo noqday duqii magaalada Muqdisho xilligii dowladii kacaanka ka talin jirtay dalka, isagoo noqday Xildhibaan Qaran.

Previous Post

Booliiska Gaalkacyo oo qabtay Gaadiid siday Dhuxul +Sawirro

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka oo sheegtay in Shahaadada baarista COVID-19 laga qaadan karo oo keli ah, Sheybaarka Dhexe

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka oo sheegtay in Shahaadada baarista COVID-19 laga qaadan karo oo keli ah, Sheybaarka Dhexe

Wasaaradda Caafimaadka oo sheegtay in Shahaadada baarista COVID-19 laga qaadan karo oo keli ah, Sheybaarka Dhexe

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magacowday Guddiga Farsamada ee wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed. Guddigan farsamo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland, oo ay...

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika ee ay martigelisay Jaamacadda Yangzhou ayaa...

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In