Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo uga warbixiyey ururrada bulshada rayidka ah hannaanka geedi socodka siyaasadda Dalka+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo uga warbixiyey ururrada bulshada rayidka ah hannaanka geedi socodka siyaasadda Dalka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Luuliyo 19, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa uga warbixiyey hannaanka geedi socodka siyaasadeed ee dalka, dadaallada xasilinta dowladnimada iyo sii-amba-qaadidda qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho daah-furan.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Ururrada Bulshada Rayidka ah sida ay ugu hanweyn yihiin in ay soo bandhigaan aragtidooda ku wajahan hannaanka doorashooyinka dalka, ugana shaqeyn lahaayeen in la xaqiijiyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan hoggaaminta dalka.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey hormuudka Ururrada Bulshada Rayidka ah dadaallada dowladda ee ku aaddan xaqiijinta xasilooni siyaasadeed, waxa uuna ku bogaadiyey sida ay ugu taagan yihiin muujinta aragtidooda ku aaddan dimuqraadiyadda iyo qabsoomidda doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoomta.

Dhankooda, Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hana qaadda, waxa ayna muujiyeen in ay qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Tags: Madaxweyne Farmaajo oo uga warbixiyey ururrada bulshada rayidka ah hannaanka geedi socodka siyaasadda Dalka+Sawirro
Previous Post

Guddoonka Waxbarshada Ceel-Berde oo Codsaday in la Bilaabo Dhismaha Xarunta Dugsiga Sare Ceel-Berde+Sawirro

Next Post

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum Axmed Caamir

Next Post
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum Axmed Caamir

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum Axmed Caamir

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

March 26, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Uganda ee AUSSOM, ayaa jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta, oo...

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
0

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In