Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka Oo La Guddoonsiiyay Deeq Lacageed Oo Loogu Talagalay COVID-19 “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka Oo La Guddoonsiiyay Deeq Lacageed Oo Loogu Talagalay COVID-19 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wisiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dawlada Federalka Soomaaliya, Dr. Fawziya Abiikar Nuur, ayaa maanta deeq lacageed oo dhan $50,000 oo doolar ka guddoontay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibbadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, taasi oo loogu tala galay hawlaha ladagaallanka cudurka Karoonaha (COVID-19). Deeqdan ayaa ka timid Ururka Iskaashiga Islaamka (Organization of Islamic Cooperation).

Munaasabadda wareejinta lacagta deeqda oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Mudane Cabdirisaaq Siyaad Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Caafimaadka.

Related posts

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

March 26, 2026

Dr. Fawziya Abiikar Nuur, Wisiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka mahadcelisay deeqda soo gaartay, waxa ayna goobta ka sheegtay in lacagtan ay Wasaaraddu toos ugu wareejin doonto Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Benaadir si loogu kabo, looguna xoojiyo adeegyada caafimaadka ee uu bixiyo Isbitaalka Benaadir.

Previous Post

Maamulka Degmada Luuq Iyo Madaxda Tuulooyinka Hoos Yimaada Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Amniga “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Gargaarka Oo Hey’adaha Samafalka Ugu Baaqay Inay Si Deg Deg Ah Ugu Gurmadaan Dadka Ay Fatahaadaha Saameeyeen

Next Post
Wasiirka Gargaarka Oo Hey’adaha Samafalka Ugu Baaqay Inay Si Deg Deg Ah Ugu Gurmadaan Dadka Ay Fatahaadaha Saameeyeen

Wasiirka Gargaarka Oo Hey'adaha Samafalka Ugu Baaqay Inay Si Deg Deg Ah Ugu Gurmadaan Dadka Ay Fatahaadaha Saameeyeen

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
0

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah....

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

March 26, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilalkii ka qaaday...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

March 26, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho ugu tegay askartii ku soo dhaawacantay dagaallada ka dhanka...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

March 26, 2026
0

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, oo uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In