Wednesday, September 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gargaarka Oo Hey’adaha Samafalka Ugu Baaqay Inay Si Deg Deg Ah Ugu Gurmadaan Dadka Ay Fatahaadaha Saameeyeen

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 20, 2020
in Wararka
0
Wasiirka Gargaarka Oo Hey’adaha Samafalka Ugu Baaqay Inay Si Deg Deg Ah Ugu Gurmadaan Dadka Ay Fatahaadaha Saameeyeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay hey’adaha ka shaqeeya gargaarka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan la gaaraan dadka ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay deegaannada qaar ee ka mid ah degmooyinka Dalka.

Mundane Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Gargaarka ayaa sheegay in la joogo waqtigii uu muuqan lahaa doorka hey’adaha gargaarka ku leeyihiin bad baadinta nolosha dadka.

Related posts

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

September 10, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

September 10, 2025

Shir jaraa’id oo uu manta Wasiirka ku qabtay xafiiskiisa ayuu ku faahfaahiyay xaaladaha fatahaadda ee saameeyay deegaannada qaar ee dalka

Wasiirka waxa uu ka hadlay saameynta gaar ahaan roobabkan ku yeesheen degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka wada tirsan goballada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellada Hoose.

“Roobka xilliga xagaaga oo aad u batay, si gaar ahna ugu badan Koofurta dalka ayaa sababay in ay butaacaan ama fatahaan, qeybo badan oo ka mid ah dalka. Waxaa taasi ay sababtay in ay timaado xaalad baahi bani aadanimo iyo barakac baahsan oo ay sameeyeen dadka ku nool meelaha ay halista ka dhacday. Goballada saameynta ugu badan gaadhay Waxaa kamid ah shebeellada hoose, shabeellada dhexe. Banadir iyo Meelo ka mid ah Jubbooyinka”. Ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay hey’adaha ka shaqeeya gargaarka in ay sida ugu dhaqsiyahabadan uga jawaabaan xaaladdan soo cusboonaatay

Waxa uu tilmaamay in dadka barakacay ay qabaan baahiyo kala duwan ee isugu jira dhinaca cuntada, Hooyga.

“Mar haddii ay xaaladda sidaas tahay, waxaa hey’adaha gargaarka ee dalka ka howlgala u farayaa in ay si deg deg ah ay gargaar ula gaaraan meelaha dhibaatada ka dhacday sida Afgooye iyo Balcad, dadka barakacay waxey qabaan baahiyaha asaasiga ah sida cunto, hooy iyo dawo, Wasaarad ahaan waan diyaarsannahay sidoo kale Ayaan ka codsanaynaa hey’adaha in si for fircoon shaqadooda gargaarka ah u gutaan”. Ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Xamsa Saciid Xamsa,

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu ka hadlay hails cusub oo ku soo biirtay diiwaanka musiibooyinka ka dhaca Soomaaliya

Mudane Xamsa Saciid Xamsa waxa uu sheegay in dabeylaha oo ku cusub Soomaaliya ay u muuqdaan kuwa isa soo taraya, isagoo si gaar ahna bulshada kalluumeysatada ah uga codsaday in ay ka feejignaadaan dabeylaha xagaaga ee into badan xilliyada oo kale ka dhaca xeebaha dalka.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa ah Wasaarad u xilsaaran ka hortaga, yareynta iyo Maareynta Musiibooyinka, Waxaana Wasaaraddu wadaa howlo baaxad leh oo looga gol leeyahay wax ka qabashada halisyada dalka ka dhaca.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka Oo La Guddoonsiiyay Deeq Lacageed Oo Loogu Talagalay COVID-19 “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 5 Qof Oo Cusub Ay Ka Bogsoodeen Feyruska Karoona

Next Post
Xaalado Cusub Oo COVID19 Ah Oo Laga Diiwaan Geliyay Puntiland, Gobalka Banaadir, Somaliland Iyo Koonfur Galbeed “SAWIRRO”

Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 5 Qof Oo Cusub Ay Ka Bogsoodeen Feyruska Karoona

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

September 10, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalay xafladda furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya (GERD) oo ay goob...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

September 10, 2025
0

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Guba ee dalka Itoobiya uga qaybgalay shir shan-geesood ah oo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo cambaareysay duqeyn Israa’iil ay ka geysatay Qatar

September 9, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeymaha ay ciidamada Israa’iil ka geysteen magaalada Doha ee dalka Qatar, oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In