Friday, September 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Isuduwaha Wasaaradda Dhallinyarada Koonfur Galbeed Ee Gobolka Bakool Oo Xilka La Wareegtay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 10, 2020
in Ciyaaraha, Wararka
0
Isuduwaha Wasaaradda Dhallinyarada Koonfur Galbeed Ee Gobolka Bakool Oo Xilka La Wareegtay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad kooban oo ay xilka kula wareegeysay Isuduwaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Koonfur Galbeed ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socday Maamulka gobolka Bakool, isuduwayaasha Wasaaradaha, gudiyada dhallinyarada iyo isboortiga Degmada Xudur.

Cumar Cabdullaahi Atuu oo ah Isuduwihii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Koonfur Galbeed ee Gobolka Bakool oo xilka maanta wareejiyay ayaa ka mahadceliyay dadkii la soo shaqeeyay muddadii uu xilka hayay, isagoo ka codsaday inay la shaqeeyaan masuulka cusub ee xilka la wareegay.

Related posts

Dowladda oo boogaadisay guulaha ciidanka qaranka ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay duleedka Ceel-dheer

September 12, 2025
Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

September 12, 2025

Isuduwaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Koonfur Galbeed ee Gobolka Bakool Ifraax Cabdullaahi Maxamed oo xilka si rasmi ah ula wareegtay ayaa sheegtay inay ka shaqeyn doonto xoojinta iyo isdhexgalka bulshada, ayna diyaar u tahay inay dar dar geliso howlaha horyaalla, iyadoo xubnaha kale ka codsatay inay gacan kusiiyaan gudashada waajibaadka loo igmaday.

Qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha munaasabadda xilwareejinta ayaa bogaadiyey sida wanaagsan ee xil wareejinta u dhacday, ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Ifraax.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool oo gabo gabadii ka hadlay xafladda ayaa dhallinyarada kula dardaarmay in ay lashageeyaan isuduwaha cusub, ayna gacan ka geystaan hormarinta gobolka Bakool.

 

Previous Post

Wajiga labaad ee Shirka wadatashiga ka qeyb qaadashada isbedelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho+Sawirro

Next Post

Madaxwaynaha Puntland Oo Kulan Looga Arinsanayo Adkaynta Nabadgelyada La Qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Gobalka Mudug “SAWIRRO”

Next Post
Madaxwaynaha Puntland Oo Kulan Looga Arinsanayo Adkaynta Nabadgelyada La Qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Gobalka Mudug “SAWIRRO”

Madaxwaynaha Puntland Oo Kulan Looga Arinsanayo Adkaynta Nabadgelyada La Qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Gobalka Mudug “SAWIRRO”

Dowladda oo boogaadisay guulaha ciidanka qaranka ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay duleedka Ceel-dheer

September 12, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa maanta ka hadlay guulaha...

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

September 12, 2025
0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka ayaa maaanta ka hortagay weerarro ay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab saakay waaberigii ku...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

September 12, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta,  Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgaley...

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

September 12, 2025
0

Maamulka Wasaaradda Beeraha XFS ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu soo bandhigaayey hal abuurka dhallinyarada  ee dhinaca wax soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In