Friday, June 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Gargaarka XFS Oo Agab Loogu Talagalay Isbedelka Cimilada Gaarsiisay  Kismaayo+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Gargaarka XFS Oo Agab Loogu Talagalay Isbedelka Cimilada Gaarsiisay  Kismaayo+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa wado olole dowlad-gobaleedyada loogu sameynayo xarumaha sii saadaaliya halisyada musiiboooyinka.

Wafdi uu hoggaaminayo sii hayaha Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda federaalka Soomaaliya  ayaa maanta magaalada Kismaayo ka dajiyay agab muhiim u ah in lala socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda.

Related posts

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026

Mudane  Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in agabkan uu muhiim u yahay dowlad-gobaleedyada si hey’addaha ay awood ugu helaan in ay sii ogaadaan halisyada ku soo fool leh.

Wasiirka ayaa sheegay in iyada oo laga jawaabayo baahiyaha hadda taagan ay hadana muhiim tahay in laga fakero sidii loo xoojin lahaa dhismaha hey’addaha si ay  u yaraato saameynta ay musiibooyinka mustaqbalka gaarsiin karaan bulshada

Waxa uu tilmaamay in dadaalkan qeyb ka yahay fulinta siyaasadda qaran ee Maareynta musiibooyinka oo uu ansaxiyay Baarlabaanka Soomaaliya bishii March ee 2017kii.

Tallaabadan ayaa sidoo kale waxey qeyb ka tahay fulinta ballan-howleedka caalamiga ah ee Sandi-framework qodobkiisa “G” oo dhigaya in dowladaha sameystaan xarumaha ka sii diga musiibooyinka.

“Soomaaliya kuma sii jiri karto musiibooyinka isu badbadala sida abaar, fatahaad iyo dabeylo (oo hadda nagu soo batay), dowladda Soomaaliya waxey go’aan ku gaartay  in la helo xal-waara, waxey taasi waajib ka dhigtay in aan ka wasaarad ahaan guntiga dhiisha isaga dhigno sidii loo heli lahaa hey’addo karti leh, awooda in ay ilaaliyaan nafta, duunyada iyo ilaha-nololeed ee uu qarankan ku tiirsanyahay.” Sidaasi waxaa yiri sii hay wasiirka wasaaradda gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa.

Dhinaca kale masuuliyiinta wasaaradda qorsheynta dowlad-gobaleedka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay agabkan ay gaarsiisay wasaaradda.

Sarkaal u hadlay wasaaradda ayaa sheegay in agabkan uu wax weyn ka badali doono siyaabihi ay digniinaha u gaarsiin jireen bulshooyinka ku nool gobalada iyo degmooyinka jubaland.

“Waxaan u mahadcleinaynaa wasaaradda oo maanta ina soo gaarsiisay agab isugu jira kombuutarro, shaashado lagala socda habka-isbadalka cimilada iyo aalado kale oo muhiim u ah noona fududeynaya gudashada waajibkeenna.” Ayuu yiri

Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa agabkan ugu tala-gashay in la gaarsiiyo dhammaan dowlad-gobaleedyada iyo gobalka banadir.

Dowladda Soomaaliya ayaa darar galisay dadaalka lagu dhisayo awoodda wax-qabad ee hey’addaha ka shaqeeya maareyna musiibooyinka heer dowlad-gobaleed.

 

 

 

 

 

Tags: Wasaaradda Gargaarka XFS Oo Agab Loogu Talagalay Isbedelka Cimilada Gaarsiisay  Kismaayo+Sawirro
Previous Post

Horjooge Sare Oo ka Tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab Oo Lagu Dilay Duqeyn Cirka Ah

Next Post

Al-Shabaab senior leader Kills in Middle Jubba Somalia.

Next Post
Al-Shabaab senior leader Kills in Middle Jubba Somalia.

Al-Shabaab senior leader Kills in Middle Jubba Somalia.

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Suleyman Sheekh Cumar ayaa magaalada Washington DC uga qayb galay shir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta...

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii...

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
0

Magaalada Muqdisho oo ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, oo ah kulan heer qaran ah oo muhiim u ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In