Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isbitalka Shaafi Ee Muqdisho Oo Ku Guulaystay Qaliinka Wiil Yar Oo Bir Liqay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Isbitalka Shaafi Ee Muqdisho Oo Ku Guulaystay Qaliinka Wiil Yar Oo Bir Liqay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mascuud Cabdi Maxamed waa wiil yar oo liqay bir halis galisay noloshiisa, waxaana reerkiisa ay muddo bil ah baadi goob ugu jireen helidda dhakhtar dhallaankooda yar ka soo saaro birta uu liqay.

Qoyskan oo ku nool magaalada Boosasao ee xarunta Gobolka Bari, isla markaana ah qoys danyar ah ayaa waxaa ka faala qaaday baaritaanka, jiifka iyo qaliinka wiilkooda Mascuud Dr Shaafici Aadan Dirir oo ugu dambeyn ku guuleystay qaliin uu ku sameeyay wiilka yar, kana soo saaray birta uu liqay.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Hooyada dhashay Mascuud ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in wiilkeeda lagu guuleystay qaliinkii lagu sameeyay, haatana ay soo wanaagsanaaneyso xaaladiida caafimaad.

Aabaha dhalay Mascuud, Aabe Cabdi Maxamed ayaa  Dr Shaafici Aadan Dirir uga mahadceliyay sida uu wiilkooda ugu guuleystay in uu ka soo saaro birta uu liqay,

Dr Shaafii Aadan Dirir ayaa oo dhankiiisa Warbahinta Qaranka la hadlay ayaa Alle uga mahadceliyay sida uu ugu guuleysiiyay qaliinka uu ku sameeyay Mascuud, isagoo xusay in markasta uu diyaar u yahay caawinta dadka tabaaleysan.

“Alle ayan ugu xamdi naqaynaa, waa habeen farxad leh oo aan badbaadinay oo haddii ay ku sii jiri lahayeen ay keeni lahayd in sambabadiisa bidix uusan ka neefsan”. Ayuu yiri Dr Shaafi.

Wallidiinta oo wajiyadooda laga dheehanayey farxad aad u weyn ayaa uga mahadceliyey Dr Shaafii Aadan Dirir dadaalkii ay ku bixiyeen bad baadinta wiilkooda yar ee Mascuud.

 

Previous Post

Ciidanka Xoogga Dalka Oo 4 Ka Tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab Ku Dilay Agagaarka Baar-Sanguuni

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In