Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qatar Mareykanka u sheegtay in wali ku dhegan tahay qorshaha ‘Xalka labo dowladood’ ee Falastiin iyo Isreal

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
September 3, 2020
in Wararka
0
Qatar Mareykanka u sheegtay in wali ku dhegan tahay qorshaha ‘Xalka labo dowladood’ ee Falastiin iyo Isreal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani  ayaa la-taliyaha Aqalka Cad Jared Kushner  u sheegay in Dooxa ay taageersan tahay qorshaha xalka labo dowladood oo Isreal iyo Falastiin ah, taas oo xarunteedu tahay bariga magaalada Qudus, si loo dhameeyo khilaafka Falastiin kala dhexeeya Isreal.

Kulanka dhex maray amiirka Qatar iyo la-taliyaha madaxweyne Donald Trump Jared Kushner ayaa arbacadii ka dhacay magaalada Dooxa, waxaana uu daba socdaa dadaalada Mareykanka uu ku dhex dhexaadiyay Isreal iyo Imaaraadka taas oo keentay in Abu Dhabi ay caadiyeeyso xiriirka diplomaasiyadeed oo ay la leedahay Tel aviv.

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025

Sheikh Tamim ayaa Kushner u sheegay in Qatar wali baaqi ku tahay qorshihii 2002 ee ahaa hindisaha nabadda ee Carabta, kaas oo qeexayay in dalalka Carabta Isreal xiriir la yeelan doonaan haddii Isreal ay ogolaado dowlad Falastiin leedahay  isla markaana ka baxdo dhulkii ay xooga ku qabsaday dagaalkii bariga dhexe ee dhacay 1967.

“Kulanka intii socday waxay isla gorfeeyeen ahmiyadda ay leedahay xiriirka istiraatiijiyadeed ee Qatar iyo Mareykanka, sidoo kale waxay ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo labada dhinac quseeya gaar ahaan hanaanka nabadda gobolka bariga dhexe,” Wakaaladda wararka Qatar ayaa sidaa ku warantay.

Kushner waxaa uu booqday Imaaraadka todobaadkan isagoo la socda wefdi Isreal ah oo caadiyeynayay xiriirka Imaaraadka iyo Isreal ka hor inta uusan u socdaalin dalalka Baxreyn iyo Sacuudiga.

Imaaraadka ayaa noqday dalkii Carbeed ee sadexaad oo xiriir diplomaasi la yeesha Isreal ka dib Masar iyo Jordan. Kushner waxaa uu rajo ka qabaa in dalalka kale ee Carabta ay xiriirkooda Isreal ay caadiyeyn doonaan muddo billo ah.

Isreal iyo dalalka Masar iyo Jordan ayaa is dhaafsaday safaarado ka dib heshiis nabadeed oo ka dhacay tobanaan sano ka hor, laakiin dalalka kale ee Carabta ayaa wali dalbanaya in Isreal ay ka baxdo dhulka Falastiin, is kastaba, go’aanka Imaaraadka ayaa waxaa si weyn u dhaliilay shucuubka gobolka bariga dhexe.

Falastiiniyiinta ayaa cambaareeyay go’aanka Imaaraadka Carabta, waxayna ku sifeeyeen mindi dhabarka kaga dhuftay mid kamid ah dalalka awooda badan dunida Carabta xilli ay la’ yihiin wadan ayaga leeyihiin.

Turkiga ayaa ku goodiyay in uu hakin doono xiriirka uu la leeyahay Imaaraadka Carabta ka dib markii uu heshiis la galay Isreal.

Dalka Isreal sida weyn u xafiiltamaan ee Iran ayaa si weyn u cambaareeyay Imaaraadka, hogaamiyaha sare ee dalkaas Ayatollah Ali Khamenei, ayaa tallaadadii twitter soo dhigay” Imaaraadku waxay khiyaameen dunida Muslimka, dalalka Carabta, wadamada gobolka iyo Falastiin”.

Previous Post

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo kormeer ku tagay Bar-xuduudeedka  Qeydar +Sawirro

Next Post

Siihayaha Wasiirka Maaliyada XFS oo kulan la qaatay madaxda Bangiga Horumarinta islaamka

Next Post
Siihayaha Wasiirka Maaliyada XFS oo kulan la qaatay madaxda Bangiga Horumarinta islaamka

Siihayaha Wasiirka Maaliyada XFS oo kulan la qaatay madaxda Bangiga Horumarinta islaamka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

June 9, 2025
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf leh u martigelisay 20 diblumaasi oo da’yar ah oo dhameystay barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In