Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qatar Mareykanka u sheegtay in wali ku dhegan tahay qorshaha ‘Xalka labo dowladood’ ee Falastiin iyo Isreal

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Qatar Mareykanka u sheegtay in wali ku dhegan tahay qorshaha ‘Xalka labo dowladood’ ee Falastiin iyo Isreal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani  ayaa la-taliyaha Aqalka Cad Jared Kushner  u sheegay in Dooxa ay taageersan tahay qorshaha xalka labo dowladood oo Isreal iyo Falastiin ah, taas oo xarunteedu tahay bariga magaalada Qudus, si loo dhameeyo khilaafka Falastiin kala dhexeeya Isreal.

Kulanka dhex maray amiirka Qatar iyo la-taliyaha madaxweyne Donald Trump Jared Kushner ayaa arbacadii ka dhacay magaalada Dooxa, waxaana uu daba socdaa dadaalada Mareykanka uu ku dhex dhexaadiyay Isreal iyo Imaaraadka taas oo keentay in Abu Dhabi ay caadiyeeyso xiriirka diplomaasiyadeed oo ay la leedahay Tel aviv.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Sheikh Tamim ayaa Kushner u sheegay in Qatar wali baaqi ku tahay qorshihii 2002 ee ahaa hindisaha nabadda ee Carabta, kaas oo qeexayay in dalalka Carabta Isreal xiriir la yeelan doonaan haddii Isreal ay ogolaado dowlad Falastiin leedahay  isla markaana ka baxdo dhulkii ay xooga ku qabsaday dagaalkii bariga dhexe ee dhacay 1967.

“Kulanka intii socday waxay isla gorfeeyeen ahmiyadda ay leedahay xiriirka istiraatiijiyadeed ee Qatar iyo Mareykanka, sidoo kale waxay ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo labada dhinac quseeya gaar ahaan hanaanka nabadda gobolka bariga dhexe,” Wakaaladda wararka Qatar ayaa sidaa ku warantay.

Kushner waxaa uu booqday Imaaraadka todobaadkan isagoo la socda wefdi Isreal ah oo caadiyeynayay xiriirka Imaaraadka iyo Isreal ka hor inta uusan u socdaalin dalalka Baxreyn iyo Sacuudiga.

Imaaraadka ayaa noqday dalkii Carbeed ee sadexaad oo xiriir diplomaasi la yeesha Isreal ka dib Masar iyo Jordan. Kushner waxaa uu rajo ka qabaa in dalalka kale ee Carabta ay xiriirkooda Isreal ay caadiyeyn doonaan muddo billo ah.

Isreal iyo dalalka Masar iyo Jordan ayaa is dhaafsaday safaarado ka dib heshiis nabadeed oo ka dhacay tobanaan sano ka hor, laakiin dalalka kale ee Carabta ayaa wali dalbanaya in Isreal ay ka baxdo dhulka Falastiin, is kastaba, go’aanka Imaaraadka ayaa waxaa si weyn u dhaliilay shucuubka gobolka bariga dhexe.

Falastiiniyiinta ayaa cambaareeyay go’aanka Imaaraadka Carabta, waxayna ku sifeeyeen mindi dhabarka kaga dhuftay mid kamid ah dalalka awooda badan dunida Carabta xilli ay la’ yihiin wadan ayaga leeyihiin.

Turkiga ayaa ku goodiyay in uu hakin doono xiriirka uu la leeyahay Imaaraadka Carabta ka dib markii uu heshiis la galay Isreal.

Dalka Isreal sida weyn u xafiiltamaan ee Iran ayaa si weyn u cambaareeyay Imaaraadka, hogaamiyaha sare ee dalkaas Ayatollah Ali Khamenei, ayaa tallaadadii twitter soo dhigay” Imaaraadku waxay khiyaameen dunida Muslimka, dalalka Carabta, wadamada gobolka iyo Falastiin”.

Previous Post

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo kormeer ku tagay Bar-xuduudeedka  Qeydar +Sawirro

Next Post

Siihayaha Wasiirka Maaliyada XFS oo kulan la qaatay madaxda Bangiga Horumarinta islaamka

Next Post
Siihayaha Wasiirka Maaliyada XFS oo kulan la qaatay madaxda Bangiga Horumarinta islaamka

Siihayaha Wasiirka Maaliyada XFS oo kulan la qaatay madaxda Bangiga Horumarinta islaamka

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In