Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo kormeer ku tagay Bar-xuduudeedka  Qeydar +Sawirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo kormeer ku tagay Bar-xuduudeedka  Qeydar +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kormeerkan uu Gaashaanle sare, Maxamed Aadan Koofi, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda uu ku tagay bar-xuduudeedka deegaanka Qeydar ee Gobolka Galgaduud oo ku taala Xuduuda Ethiopia ayaa waxaa ku wehlinayay Taliyaha qaybta Boliiska Galmudug General Bishaar Abshir Geedi ,Gudoomiyaha magaalada Guriceel Faarax Macalin Cabdi iyo Saraakiil ka tirsan Galmudug.

Agaasime Koofi iyo mas’uuliyiinta kale ayaa la kulmay dadka deegaanka Qeydar waxayna warbixino ka dhageysteen odayaasha iyo dhalinyarada deegaanka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Guddoomiyaha magaalada Guriceel, Faarax Macalin Cabdi, ayaa sheegay inuu heer gababa ah marayo dhismaha xafiiska bar-xuduudeedka deegaanka Qeydar oo ay ku howlgali doonaan saraakiisha Hay’adda Socdaalka si looga warqabo isusocodka xuduuda.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS G/sare Maxamed Aadan Koofi, waxa uu xusay in ka hay’ad ahaan ay wax ka qabanayaan baahiyaha ay sheegeen dadka degaanka, isagoona codsaday dadka ku nool deegaanka inay la shaqeeyaan xubnaha hay’dda ee ku shaqeyn doona bar-xuduudeedka Qeydar.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS ayaa sanadihii la soo dhaafay xafiisyada socdaalka ka hirgalisay bar-xuduuudeedyada Soomaaliya si loo la socda dadka dalka soo galaya loona hubiyo dokumentiyadooda.

Previous Post

Alshabaab oo Miinooyin ku aasay degaanka Shabeellow ee Gobolka Mudug

Next Post

Qatar Mareykanka u sheegtay in wali ku dhegan tahay qorshaha ‘Xalka labo dowladood’ ee Falastiin iyo Isreal

Next Post
Qatar Mareykanka u sheegtay in wali ku dhegan tahay qorshaha ‘Xalka labo dowladood’ ee Falastiin iyo Isreal

Qatar Mareykanka u sheegtay in wali ku dhegan tahay qorshaha 'Xalka labo dowladood' ee Falastiin iyo Isreal

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In