Sunday, November 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo: Si aan shisheeye inoo soo faragelin,waa in aan inagu leenahay go’aanka arrimaheena+sawirro

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo: Si aan shisheeye inoo soo faragelin,waa in aan inagu leenahay go’aanka arrimaheena+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadal ka jeediyey munaasabad casho sharaf ah oo uu ku maamuusay Madaxda ka qeyb gashay shirkii doorashooyinka ee Muqdisho ayaa tilmaamay in isu tanaasulka iyo ka shaqeynta danta guud ay aas-aas u tahay hirgelinta doorasho loo dhan yahay oo rajo gelinaysa shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay ilaashadaan wadajirkooda, maadaama dalkeenna ay ku xeeran yihiin duruufo adag oo ay waajib tahay in si walaaltinimo leh aynu uga fakarno mustaqbalka iyo aayaha Qarankeenna.

Related posts

Mudaneyaasha Labada Aqal oo ansixiyay xisaab-xirka miisaaniyad-sanadeedkii 2024

Mudaneyaasha Labada Aqal oo ansixiyay xisaab-xirka miisaaniyad-sanadeedkii 2024

November 22, 2025
Xafiiska Hantidhowrka Guud oo heshiis is-afgarad ah la saxiixday Hay’adda (MoU)

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo heshiis is-afgarad ah la saxiixday Hay’adda (MoU)

November 22, 2025

“Si aan shisheeye inoo soo faragelin, waa in aan innagu leenahay go’aanka arrimaheenna, ha wanaagsanaadaan ama ha xumaadaan, masuuliyaddeedana aan qaadanno. Dalkeennu in uu xasilo oo dadkeennu isfahmaan dalal iyo shakhsiyaad ayaa u arka khasaarahooda.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyey duruufaha ku xeeran doorashooyinka dalka iyo dadaalka muuqday ee Dowladda Federaalka ay ku bixisay hirgelinta doorasho loo dhanyahay oo ka tarjumeysa rajada iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka dalka talaabooyinka dhaxal-galka ah ee ay ka hirgeliyeen qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan shuruucda iyo Dastuurka dalka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Guddigaas loo kordhiyo wakhtiga, si dalka loogu celiyo khibraddooda iyo miro-dhalka tacabkii lagu bixiyey.

Munaasabaddan casho-sharafta ah waxaa lagu maamuusay Ku-Simaha Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Kooxda FC Dayax oo ku guuleysatay koobka kooxaha heerka koowaad ee xiriirka kubadda cagta Beledweyne+Sawirro

Next Post
Kooxda FC Dayax oo ku guuleysatay koobka kooxaha heerka koowaad ee xiriirka kubadda cagta Beledweyne+Sawirro

Kooxda FC Dayax oo ku guuleysatay koobka kooxaha heerka koowaad ee xiriirka kubadda cagta Beledweyne+Sawirro

Mudaneyaasha Labada Aqal oo ansixiyay xisaab-xirka miisaaniyad-sanadeedkii 2024

Mudaneyaasha Labada Aqal oo ansixiyay xisaab-xirka miisaaniyad-sanadeedkii 2024

November 22, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa lixaad ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo heshiis is-afgarad ah la saxiixday Hay’adda (MoU)

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo heshiis is-afgarad ah la saxiixday Hay’adda (MoU)

November 22, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixday hay’adda (MoU) ee Isla-xisaabtanka Jamhuuriyadda Masar, kadib kulan...

Madaxweynaha Soomaaliya oo Xukuumadda faray dhammeystirka kumanaan macalimiin loo qaadanayo goobaha waxbarashada dalka

Madaxweynaha Soomaaliya oo Xukuumadda faray dhammeystirka kumanaan macalimiin loo qaadanayo goobaha waxbarashada dalka

November 22, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Waxbarashadu inay si degdeg...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

November 22, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing. 1- President Hassan Sheikh Mohamud sent congratulations to Somali teachers on the occasion...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In