Tuesday, August 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-Simaha Wasiirka Ganacsiga Oo Xafiiskiisa Kula Kulmay Safiirka Dowladda Sweden Ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ku-Simaha Wasiirka Ganacsiga Oo Xafiiskiisa Kula Kulmay Safiirka Dowladda Sweden Ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-Simaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dawladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya Danjire Staffan Tillander oo ay ka wada-hadleen dedaalada socda ee dib loogu habeynayo Ganacsiga Soomaaliya.

Kulankan oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdiqaadir Shariikh Sheekhuna Maye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda, ayaa waxa ay dhinacyadu si gaara iska waraysteen dedaalada lagu horumarinayo ganacsiga, gaar ahaan sidii dawladda Sweden ay Soomaaliya uga taageeri lahayd ku biiri-taanka Ururka Ganacsiga Adduunka.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

August 17, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

August 17, 2026

Mudane Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo halkaas ka hadlay, ayaa safiirka u sheegay in illaa iyo hadda ay shaqo fiican oo bilow ah ay ka sameyeen ku biiritaanka Ururka Ganacsiga Adduunka, balse dawladda Sweden ay ka taageerto ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururkaasi.

Mudane Cabdullaahi Cali Xasan waxa kale oo uu uga waramay shaqooyinka la xiriira dhinaca fududeynta ganacsiga ee ay Wasaaraddu qabatay, gaar ahaan shuruucda, siyaasadaha, dhiiri-gelinta maal-gashiga iyo warshadaha. Isaga oo ugu dambeyna Safiirka iyo dawladda Sweden uga mahadceliyey dedaalkooda ka go’aanshiyaha ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Ambassador Staffan Tillander oo isagu dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu arko in Wasaaraddu ay shaqo fiican oo bilow ah ay ka qabatay arrinta ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka, waxaana uu xusay in kulankani uu sii xoojinayo qorshaha dawladda Sweden ay Soomaaliya kaga taageerayso sidii ay ugu biiri lahayd Ururka Ganacsiga Adduunka.

Previous Post

Ku-Simaha Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Oo Tababar Ku Saabsan Hab Tabinta COVID-19 U Soo Xiray Suxufiyiin “SAWIRRO”

Next Post

Xisbi Mucaarad ku ah Sacuudiga oo Lagu Dhawaaqay

Next Post
Xisbi Mucaarad ku ah Sacuudiga oo Lagu Dhawaaqay

Xisbi Mucaarad ku ah Sacuudiga oo Lagu Dhawaaqay

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

August 17, 2026
0

Bandiiradleey, Agoosto 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

August 17, 2026
0

Muqdisho, Isniin, 17 Agoosto 2026: - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku...

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo shaqo siisay Hooyo Safiyo Macalin Cabdulle Cumar

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo shaqo siisay Hooyo Safiyo Macalin Cabdulle Cumar

August 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Hooyo Safiyo Macalin...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

August 17, 2026
0

Galinsoor, Agoosto, 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira safarkiisa deegaanada Galmudug ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In