Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xisbi Mucaarad ku ah Sacuudiga oo Lagu Dhawaaqay

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Xisbi Mucaarad ku ah Sacuudiga oo Lagu Dhawaaqay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Koox u dhashay Sacuudiga Carabiya oo wadanka  laga musaafuriyay kuna nool  dalal ay kamid yihiin; Mareykanka iyo UK ayaa ku dhawaaqay xisbi siyaasadeed oo  mucaarad ah, waana urur siyaasadeed kii ugu horeeyay oo mucaarad ku ah xukunka boqor Salmaan.

Xisbi siyaasadeedkan ayaa lagu magacaabay Xisbiga Golaha Qaran  National Assembly Party, waxaana hogaamin doona aas aasaha xarunta xuquuqul insaanka oo London ku taala Yaxye Assiri iyadoo xubno ka yihiin  Madawi al-Rashiid, Saciid Bin  Nasser  al-Ghaamidi, Cabdulaahi Cawdah iyo Cumar Cabdicaziz.

Related posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026

Sacuudiga Carabiya waa boqortooyo aan wax dul qaad ah u laheyd mucaaradad laakiin sameynta xisbigan ayaa ku soo aadaya xilli dhowaanahan ay jireen caburin dhan ah xoriyadda hadalka.

Isku daygii ugu horeeyay oo xisbi siyaasi ah, waxay aheyd 2007 iyo 2011 hase yeeshee gacan bir ah ayaa lagala hor yimid waxaana xabsiga loo dhaadhiciyay xubnihii abaabulayay.

“Waxaan ku dhawaaqaynaa yegleelidda urur siyaasadeed mucaarad ah oo lagu magacaabo National Assembly Party, kaas oo loogu gol leeyahay in uu noqdo hey’add dimoqradiyeed oo ka jirta Sacuudiga,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xubnaha xisbiga Arbacadii.

Tallaabadan ayaan badanaa loo arkaa in aysan wax weyn u dhimi doonin xukunka qoyska ugu awooda badan dunida Carabta, laakiin waxaa ay ku kordhin kartaa caqabadihii horey u heystay Sacuudiga oo ay kamid tahay qiimaha shidaal ceyrin oo hoos u dhacay, saameynta safmarka COVID-19 iyo arrimo kale.

Hogaamiyaha xisbigan Assiri, wuxuu ahaa sarkaal ka tirsanaan jiray ciidanka cirka Sacuudiga ee Royal Saudi Air Force , magaalada London ayuu ka aas aasay xarun u dooda xuquuqul insaanka taas oo soo saartay xadgudubyada ka dhacay Sacuudiga oo ay kamid yihiin xariga dadka u dhaq dhaqaaqa xuquuqda haweenka, aqoonyahnada iyo dad ka tirsan qoyska boqortooyada.

Afhayeenka xisbiga Rashiid ayaa sheegtay in aas aasiyaasha ururkan aysan wax cadaawad gaar ah u qabin qoyska xukuma wadanka Sacuudiga.

U jeedada urur siyaasadeedkan mucaarad ka ah ayaa aas aasiyaashu ku sheegeen maqanaanshaha garsoor madax banaan, faafreebta dowladdu ku heysto warbaahinta maxaliga ah iyo arrimo kale ayaa keenay sameynta xisbigan.

Sacuudiga Carabiya muddo dheer ayay wajahaysay dhaleeceyn caalami ah oo ku aadan diiwaankeeda liita ee  xuquuqul insanka. Taas oo xoogeysatay markii dhaxal sugaha wadankaas Maxamed Bin Salmaan bilaabay in uu xabsiyada ku guro qof kasta oo xukunkiisa dhaliilsan.

Tusaale ahaan, bishii October 2018 waxaa qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul lagu dhex dilay wariye Jamaal Khashoggi, dilkaas oo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa dhaxal sugaha Sacuudiga Bin Salmaan.

Previous Post

Ku-Simaha Wasiirka Ganacsiga Oo Xafiiskiisa Kula Kulmay Safiirka Dowladda Sweden Ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Trump oo Diiday in Xilka Si Nabad Geliyo ah ku Wareejiyo Haddii Doorashada Looga Adkaado

Next Post
Trump says all migrants in border will stay in Mexico

Trump oo Diiday in Xilka Si Nabad Geliyo ah ku Wareejiyo Haddii Doorashada Looga Adkaado

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Biljimka ayaa ku baaqday midnimo iyo in shacabka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb...

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

May 11, 2026
0

Qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa saaka isugu soo baxay bannaanbax ay ku muujinayeen taageeradooda Dowladda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In