Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-Simaha Wasiirka Ganacsiga Oo Xafiiskiisa Kula Kulmay Safiirka Dowladda Sweden Ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 23, 2020
in Wararka
0
Ku-Simaha Wasiirka Ganacsiga Oo Xafiiskiisa Kula Kulmay Safiirka Dowladda Sweden Ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-Simaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dawladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya Danjire Staffan Tillander oo ay ka wada-hadleen dedaalada socda ee dib loogu habeynayo Ganacsiga Soomaaliya.

Kulankan oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdiqaadir Shariikh Sheekhuna Maye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda, ayaa waxa ay dhinacyadu si gaara iska waraysteen dedaalada lagu horumarinayo ganacsiga, gaar ahaan sidii dawladda Sweden ay Soomaaliya uga taageeri lahayd ku biiri-taanka Ururka Ganacsiga Adduunka.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Mudane Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo halkaas ka hadlay, ayaa safiirka u sheegay in illaa iyo hadda ay shaqo fiican oo bilow ah ay ka sameyeen ku biiritaanka Ururka Ganacsiga Adduunka, balse dawladda Sweden ay ka taageerto ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururkaasi.

Mudane Cabdullaahi Cali Xasan waxa kale oo uu uga waramay shaqooyinka la xiriira dhinaca fududeynta ganacsiga ee ay Wasaaraddu qabatay, gaar ahaan shuruucda, siyaasadaha, dhiiri-gelinta maal-gashiga iyo warshadaha. Isaga oo ugu dambeyna Safiirka iyo dawladda Sweden uga mahadceliyey dedaalkooda ka go’aanshiyaha ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Ambassador Staffan Tillander oo isagu dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu arko in Wasaaraddu ay shaqo fiican oo bilow ah ay ka qabatay arrinta ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka, waxaana uu xusay in kulankani uu sii xoojinayo qorshaha dawladda Sweden ay Soomaaliya kaga taageerayso sidii ay ugu biiri lahayd Ururka Ganacsiga Adduunka.

Previous Post

Ku-Simaha Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Oo Tababar Ku Saabsan Hab Tabinta COVID-19 U Soo Xiray Suxufiyiin “SAWIRRO”

Next Post

Xisbi Mucaarad ku ah Sacuudiga oo Lagu Dhawaaqay

Next Post
Xisbi Mucaarad ku ah Sacuudiga oo Lagu Dhawaaqay

Xisbi Mucaarad ku ah Sacuudiga oo Lagu Dhawaaqay

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In