Sunday, August 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xisbi Mucaarad ku ah Sacuudiga oo Lagu Dhawaaqay

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
September 24, 2020
in Wararka
0
Xisbi Mucaarad ku ah Sacuudiga oo Lagu Dhawaaqay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Koox u dhashay Sacuudiga Carabiya oo wadanka  laga musaafuriyay kuna nool  dalal ay kamid yihiin; Mareykanka iyo UK ayaa ku dhawaaqay xisbi siyaasadeed oo  mucaarad ah, waana urur siyaasadeed kii ugu horeeyay oo mucaarad ku ah xukunka boqor Salmaan.

Xisbi siyaasadeedkan ayaa lagu magacaabay Xisbiga Golaha Qaran  National Assembly Party, waxaana hogaamin doona aas aasaha xarunta xuquuqul insaanka oo London ku taala Yaxye Assiri iyadoo xubno ka yihiin  Madawi al-Rashiid, Saciid Bin  Nasser  al-Ghaamidi, Cabdulaahi Cawdah iyo Cumar Cabdicaziz.

Related posts

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

August 16, 2025
Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

August 16, 2025

Sacuudiga Carabiya waa boqortooyo aan wax dul qaad ah u laheyd mucaaradad laakiin sameynta xisbigan ayaa ku soo aadaya xilli dhowaanahan ay jireen caburin dhan ah xoriyadda hadalka.

Isku daygii ugu horeeyay oo xisbi siyaasi ah, waxay aheyd 2007 iyo 2011 hase yeeshee gacan bir ah ayaa lagala hor yimid waxaana xabsiga loo dhaadhiciyay xubnihii abaabulayay.

“Waxaan ku dhawaaqaynaa yegleelidda urur siyaasadeed mucaarad ah oo lagu magacaabo National Assembly Party, kaas oo loogu gol leeyahay in uu noqdo hey’add dimoqradiyeed oo ka jirta Sacuudiga,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xubnaha xisbiga Arbacadii.

Tallaabadan ayaan badanaa loo arkaa in aysan wax weyn u dhimi doonin xukunka qoyska ugu awooda badan dunida Carabta, laakiin waxaa ay ku kordhin kartaa caqabadihii horey u heystay Sacuudiga oo ay kamid tahay qiimaha shidaal ceyrin oo hoos u dhacay, saameynta safmarka COVID-19 iyo arrimo kale.

Hogaamiyaha xisbigan Assiri, wuxuu ahaa sarkaal ka tirsanaan jiray ciidanka cirka Sacuudiga ee Royal Saudi Air Force , magaalada London ayuu ka aas aasay xarun u dooda xuquuqul insaanka taas oo soo saartay xadgudubyada ka dhacay Sacuudiga oo ay kamid yihiin xariga dadka u dhaq dhaqaaqa xuquuqda haweenka, aqoonyahnada iyo dad ka tirsan qoyska boqortooyada.

Afhayeenka xisbiga Rashiid ayaa sheegtay in aas aasiyaasha ururkan aysan wax cadaawad gaar ah u qabin qoyska xukuma wadanka Sacuudiga.

U jeedada urur siyaasadeedkan mucaarad ka ah ayaa aas aasiyaashu ku sheegeen maqanaanshaha garsoor madax banaan, faafreebta dowladdu ku heysto warbaahinta maxaliga ah iyo arrimo kale ayaa keenay sameynta xisbigan.

Sacuudiga Carabiya muddo dheer ayay wajahaysay dhaleeceyn caalami ah oo ku aadan diiwaankeeda liita ee  xuquuqul insanka. Taas oo xoogeysatay markii dhaxal sugaha wadankaas Maxamed Bin Salmaan bilaabay in uu xabsiyada ku guro qof kasta oo xukunkiisa dhaliilsan.

Tusaale ahaan, bishii October 2018 waxaa qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul lagu dhex dilay wariye Jamaal Khashoggi, dilkaas oo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa dhaxal sugaha Sacuudiga Bin Salmaan.

Previous Post

Ku-Simaha Wasiirka Ganacsiga Oo Xafiiskiisa Kula Kulmay Safiirka Dowladda Sweden Ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Trump oo Diiday in Xilka Si Nabad Geliyo ah ku Wareejiyo Haddii Doorashada Looga Adkaado

Next Post
Trump says all migrants in border will stay in Mexico

Trump oo Diiday in Xilka Si Nabad Geliyo ah ku Wareejiyo Haddii Doorashada Looga Adkaado

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa si rasmi ah u kala...

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah Degmada Afgooye ugu daahfuray ololaha...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra'iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo ay weheliyaan Safiirka...

Xubno ka tirsan Khawaarijta oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

Xubno ka tirsan Khawaarijta oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed, ayaa magaalada Baydhaba ku soo bandhigay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In