Sunday, February 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Degmada Shibis Oo La Qorsheynayo In Laga Hirgeliyo Maxkamad U Adeegta Bulshada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Degmada Shibis Oo La Qorsheynayo In Laga Hirgeliyo Maxkamad U Adeegta Bulshada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Degmada Shibis waxaa ay ka mid tahay degmooyinka Gobolka Banaadir wali ma laheyn maxkamad ay u cadaalad raadsadaan dacwooyinkooda waxaa ay u cadaalad dooonan jireen Degmada Shangaani oo daris la ah Shibis..

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Dr Maxamed Axmed Cusmaan Baari ayaa booqday maanta xarunta degmada Shibis, Asaga oo ka jawaabaya baahiyaha dadka deegaankaasi ay qabaan.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

February 15, 2026
Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

February 15, 2026

Waxgaradka haweenka degmada oo kulanka ka qeybgalay ayaa sheegay in culeysyo badan uu ka heystay helida adeega garsoorka dalka oo ay ku qaadan jirtay degmooyinka baxsan xaafadooda.

Cali Axmed Cabdulle Guddoomiyaha Degmada Shibis ayaa sheegay in qorshooyinka Maamulkiisa uu ka mid yahay daboolidda baahiyaha dadka deegaanka ee dhanka Garsoorka.

”Waxaan diyaar u nahay ka maamul ahaan in aan ka shaqeyno adeegyada aad u baahan tihiin gaar ahaan garsoorka loo baahan yahay.” Ayuu yiri Guddoomiye Cali Axmed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir Dr Maxamed Axmed Cusmaan Baari ayaa sheegay in balaarinta adeegga garsoorka Gobolka uu yahay tiirarka shaqadiisa, si dhaqsi ahna uu uga jawaabayo cabashada dadka Degmada Shibis

“Run ahaantii himilooyinka iyo yadadiidlooyinkii aan lahaa ayey qeyb ka tahay in aan sameeyo guud ahaan gobolka Banaadir in Degmo walba ay hesho maxkamad u gaar ah oo fulisa howlaha bulshada Degmada ay u baahan tahay waajib ayaana naga saaran baahinta adeega garsoorka dalka”. Ayuu yiri Dr Maxamed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ayaa mudooyinkii dambe waxaa uu waday dadaallo lagu horumarinayo adeegga garsoorka gobolka Banaadir iyo sidii shacabka ay u heli lahaayeen garsoor tayo leh oo loogu geeyo degmooyinka ay ku nool yihiin.

Previous Post

UNMAS Oo Tababar Ku Saabsan Burburinta Miinooyinka Ay Argaxisada Sameeyaan U Soo Gabogabeysay Ciidanka AMISOM

Next Post

Siyaasiyiin Iyo Waxgarad Kasoo Jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose Oo Shir Muhiim Ah Ku Yeeshay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Siyaasiyiin Iyo Waxgarad Kasoo Jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose Oo Shir Muhiim Ah Ku Yeeshay Muqdisho “SAWIRRO”

Siyaasiyiin Iyo Waxgarad Kasoo Jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose Oo Shir Muhiim Ah Ku Yeeshay Muqdisho “SAWIRRO”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

February 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka...

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

February 15, 2026
0

Dalka Turkiga waxaa goordhow laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis...

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

February 15, 2026
0

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya. War-murtiyeedka Midowga Afrika...

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal

February 15, 2026
0

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kasoo saartay kiiska Maxamed Aadan Abuukar oo Xeydar Muqtaar Afgarashadiisu tahay iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In