Siyaasiyiin iyo Waxgarad kasoo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose oo taageero u muujiyey Dawladda Federaalka Soomaaliya kaddib kulan ay kaga arrinsanayeen daoorkooda Siyaasadeed ee Dalka oo ay ku yeesheen Caasimadda Muqdisho.
Kulanka oo ay ka qeyb galeen siyaasiyiin, culimaa’udiin, aqoonyahanno, waxgarad, dhallinyaro iyo haweenka ayaa lagu gorfeeyay hannaanka uga aadan dhismaha dowladnimada iyo sidii ay ku heli lahaayeen xaquuqda ka maqan oo ay ku sheegeen inay tahay kursiga deegaan doorashooda.
Inta uu socda kulanka wadatashiga ayaa Siyaasiyiin iyo Waxgarad kasoo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan degmada Wanlaweyn waxa ay si wada jir ah u cadeeyeen inay taageersanyihiin dowladda, ayna ku bogaadinayaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay uga go’antahay dhismaha dowladnimo loo dhanyahay.
Qaar ka mid ka qeybgalayaasha kulanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay jiraan xaquuq ay tebayaan, ayna ka codsanayaan Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliyo iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay wax ka qabtaan tebashadooda
Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdiladhiif Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in dadka deegaanka ay yihiin dad looga bartay dowladnimada, uuna adkeynayo baaq ay dirayaan siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose..