Wararka laga helayo saxaafadda dalka Mali ayaa sheegaya in haweeney u dhalatay Dalka Faransiiska oo muddo afar sano ah afduub loogu hestay dalkaasi la siidaayay.
Sophie Pétronin oo ka shaqeyneysay arrimaha gar gaarka, gaar ahaan carruurta ayaa laga qafaashay magaalada Gao sanadkii 2016, waxaana qafaashay markii koox huneysan ay weerartay goobtii ay ku sugnayd..
Saxaafadda dalka Faransiiska ayaa dhankooda xaqiijiyay in Sophie Pétronin ay iminka gaartay dalka Faransiiska.
Weli lama shaacin in xoog lagu soo furtay iyo in la bixiyay lacago madax furasho ah.
W/D: Maxamed Maxamuud Dhoore (London)