Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya Oo Hambalyo U Dirtay Hay’adda WFP Oo Ku Guuleysatay Abaalmarinta Caalamiga Ah Ee Nabadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Dowladda Federaalka oo Gurmad deg-deg ah u diraysa magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Sacid Xamsa ayaa hambalyo u diray Barnaamijka Cuntada Aduunka Qaramada Midoobay ee WFP oo sanadkan 2020-ka ku guuleystay Abaalmarinta Caalamiga ah ee Nabadda ee loo yaqaano Nobel Peace Prize.

“Aniga oo ku hadlay magaca Dowladda Soomaaliya, waxaan hambalyo u dirayaa WFP dadaalka xooggan oo ay sameeyeen ee dhinaca naf badbaadinta iyo ka hortagga macluusha, iyadoo ay jirto duruufaha gaarka ah eek a dhashay COVID-19, ayuu yiri Mudane Xamsa Saciid Xamsa, Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

January 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026

Hey’adda cuntada adduunka ee loo yaqaanno WFP ayaa intii ay colaadaha ka jireen dalka waxa ay sii waday dadaallada gurmadka, iyado oo bixineysay gargaar beni’aadannimo oo cunto ah, isla markaana taageereysay dadka nugul sida haweenka iyo caruurta.

Inkasta oo shaqada ugu badan ee hey’adani ahayd gargaarka, hadana howlaha ay sameysay ayaa wax weyn ka taray xoojinta iyo abuurista fursad xasilooni iyo nabad iyo in laga baaqsado in gaajada noqoto hub lagu horiyo colaadaha.

“Inti uu jiray COVID-19 oo ay inoo wehlisay xaaladaha sida fatahaado ka dhacay meelo ka mid ah dalka, WFP waxay Dowladda Soomaaliya ka taageertay in la caawiyo malaayiin Soomaali ah oo qatar ugu jiray macluul,” ayuu hadalkiisa ku daray Xamsa Sacid Xamsa.

“Waxaan si gaar ah amaan u jeedinayaa Shaqaalaha  WFP ee Soomaaliya ka shaqeeya dadaalka aan daalka lahayn iyo shaqada wanaagsan oo ay ka hayaan dhammaan deegaannada Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiir Xamsa Sacid Xamsa.

Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda

Previous Post

Beeraleyda Gobolka Mudug Oo Ka Cabanaya Ayax Xaalufiyay Dalagyada Beerahooda

Next Post

Wasiiro iyo Xildhibaanno Ka Tirsan Galmudug Oo Daahfuray Ceel Laga Qoday Deeaanka Hul-kujir “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiro iyo Xildhibaanno Ka Tirsan Galmudug Oo Daahfuray Ceel Laga Qoday Deeaanka Hul-kujir “SAWIRRO”

Wasiiro iyo Xildhibaanno Ka Tirsan Galmudug Oo Daahfuray Ceel Laga Qoday Deeaanka Hul-kujir “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyada kooxda...

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Falastiin Varsen Aghabekian Shahin, ayaa si cad u muujisay taageerada buuxda ee dalkiisu u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In