Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjooge ka tirsan Al-Shabaab iyo darawalkiisa oo maanta la xukumay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
5 years ago
in Wararka
0
Horjooge ka tirsan Al-Shabaab iyo darawalkiisa oo maanta la xukumay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xasan Cabdi Aadan Nuur & Cumar Xuseen Abshir Jaabir  ayaa loo haystaa ka mid ahaanshiyaha Alshabaab gaar ahaan in ay ahaayeen Horjooge iyo Darawalkiisa si gaar ah uga shaqeyn jiray deegnada Xiriirsan ee Balcad & Basro,weerar ay ku qaadeen Fariisin ay Ciidamada Xoogga Dalka ku lahaayeen Cirifyka ay degmada Deyniile kala wadaagto Basro ayaa labada Eedeysane lagu soo qabtay iyaga  oo dhawaac ah November Sanadkii tegay.

Hey’adaha Caafimaadka Dowladda ayaa isku howlay sidii ay u baxnaani lahaayeen Maadaama dhaawacyo ay gaareen, waxaana 11-kii March Sanadkan ay ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta oo xilligaas codsaday in xabsiga dhexe loo taxaabo Xasan iyo Cumar, si’ay u soo dhameystiraan eedaha labada eedeysane Baaristooda.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025

Xasan Cabdi Aadan Nuur ayaa ahaa madixii Maaliyadda degmada Balcad u qaabilsanaa maleeshiyada Alshaaab laakiin waxa uu ku qiray qiraalkiisa in ay caawinayeen koox iyaga ku tirsan oo uu weerarka ku qabsaday Doonka.

Cumar oo isaga wada Mooto u ahaa Xasan ayaa isna Maxkamadda ka hor sheegay in uu ahaa nin iskiis isaga xamaasho laakiin Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa labada Shaqsi kuwada Eedeeyay in ay qayb ka ahaayeen weerar ay Alshabaab ku qaadeen Fariisin Ciidan November Sanadkii tegay,Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalab Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in ay labada Eedeysane wada ahaayeen Gurmad laakiin ciidamada ay u geysteen dhaawac Naafeen ah.

Qareennada u dooday labada Eedeysane ayaa iyagana Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto maadaama labada eedeysane ay  u aheyd howlgalkii ugu horreeyay ee dagaal oo ay kawada qayb galeen isla markaan uu dhaawaca ka soo gaaray labadaba.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir Jaabir kuwada xukumay Xabsi daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda,Eedeysanayaasha ayaa heysta Fursad ay ku dalban karaa Rafcaan  muddo ku siman 30 cisho xukunka kadib.

Previous Post

Xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed

Next Post

Qaramadda Midoobay oo sheegtay in la dagaalameyso nafaqo daradda caruurta iyo Covid19.

Next Post
Qaramadda Midoobay oo sheegtay in la dagaalameyso nafaqo daradda caruurta iyo Covid19.

Qaramadda Midoobay oo sheegtay in la dagaalameyso nafaqo daradda caruurta iyo Covid19.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka 9-aad ee...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
0

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisa afaraad, iyadoo maanta lagu soo bandhigay dood...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025
0

War-saxaafadeedka.   Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In