Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjooge ka tirsan Al-Shabaab iyo darawalkiisa oo maanta la xukumay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Horjooge ka tirsan Al-Shabaab iyo darawalkiisa oo maanta la xukumay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xasan Cabdi Aadan Nuur & Cumar Xuseen Abshir Jaabir  ayaa loo haystaa ka mid ahaanshiyaha Alshabaab gaar ahaan in ay ahaayeen Horjooge iyo Darawalkiisa si gaar ah uga shaqeyn jiray deegnada Xiriirsan ee Balcad & Basro,weerar ay ku qaadeen Fariisin ay Ciidamada Xoogga Dalka ku lahaayeen Cirifyka ay degmada Deyniile kala wadaagto Basro ayaa labada Eedeysane lagu soo qabtay iyaga  oo dhawaac ah November Sanadkii tegay.

Hey’adaha Caafimaadka Dowladda ayaa isku howlay sidii ay u baxnaani lahaayeen Maadaama dhaawacyo ay gaareen, waxaana 11-kii March Sanadkan ay ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta oo xilligaas codsaday in xabsiga dhexe loo taxaabo Xasan iyo Cumar, si’ay u soo dhameystiraan eedaha labada eedeysane Baaristooda.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026

Xasan Cabdi Aadan Nuur ayaa ahaa madixii Maaliyadda degmada Balcad u qaabilsanaa maleeshiyada Alshaaab laakiin waxa uu ku qiray qiraalkiisa in ay caawinayeen koox iyaga ku tirsan oo uu weerarka ku qabsaday Doonka.

Cumar oo isaga wada Mooto u ahaa Xasan ayaa isna Maxkamadda ka hor sheegay in uu ahaa nin iskiis isaga xamaasho laakiin Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa labada Shaqsi kuwada Eedeeyay in ay qayb ka ahaayeen weerar ay Alshabaab ku qaadeen Fariisin Ciidan November Sanadkii tegay,Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalab Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in ay labada Eedeysane wada ahaayeen Gurmad laakiin ciidamada ay u geysteen dhaawac Naafeen ah.

Qareennada u dooday labada Eedeysane ayaa iyagana Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto maadaama labada eedeysane ay  u aheyd howlgalkii ugu horreeyay ee dagaal oo ay kawada qayb galeen isla markaan uu dhaawaca ka soo gaaray labadaba.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir Jaabir kuwada xukumay Xabsi daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda,Eedeysanayaasha ayaa heysta Fursad ay ku dalban karaa Rafcaan  muddo ku siman 30 cisho xukunka kadib.

Previous Post

Xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed

Next Post

Qaramadda Midoobay oo sheegtay in la dagaalameyso nafaqo daradda caruurta iyo Covid19.

Next Post
Qaramadda Midoobay oo sheegtay in la dagaalameyso nafaqo daradda caruurta iyo Covid19.

Qaramadda Midoobay oo sheegtay in la dagaalameyso nafaqo daradda caruurta iyo Covid19.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

July 30, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS, ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee magacaabista ergeyga Soomaaliya ee...

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

July 30, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda kaga qayb galay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In