Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu wadahal miro dhal ah la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Nicolas Berlange..
Ra’isul Wasaaraha wuxuu tilmaamay in ay ka wada hadleen Safiir Nicolas Berlange arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga Midowga Yurub ee horumarinta Soomaaliya iyo horey u socodka ammaanka iyo doorashooyinka.
Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay in Midowga Yurub uu dalkeena u yahay saaxiib iyo gacan siiye muhiim ah