Tababarkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimah Diinta oo lagu baranayay ka hortagga faafinta fikirka xagjirka ah oo ay ka qeybgaleen musuuliyiin ka mid ah Wasaaradda Awqaafta, sharciyaaaano, Culimaa’u diin, xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaaf iyo Diinta mudane Cumar Faaruuq Sheekh Cabdulcasiis oo ka hadlay gabagabada tababarka ayaa sheegay in lix maalin oo uu socday tabarkaan ay ka soo baxeen qodob muhiim ah oo wax ku kordhin doono sharciyada Wasaaradda Awqaafta
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Maxamuud Macalin Yaxye oo soo xiray tababarka ayaa ku amaanay dadkii ka qeeybgalay tababarka si ay maskaxdooda u shiilaan muddadi uu tabarka socday
Dhanka kale Wasiiru dowlaha Wasaradda Awqaaf iyo diinta Maxamuud Macallim Yaxye ayaa wax laga xumaado ku tilmaayay dhaqan xumada ka socoto baraha bulshada ee ay Soomalida isticmaasho iyo huteelada Muqdisho, isaga oo digniin u diray dadka ku howlan faafinta anshax-xumada.