Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka oo daahfurtay Habraaca Daaweeynta Isku Dhafan ee Nafaqo-Xumada Daran ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka oo daahfurtay Habraaca Daaweeynta Isku Dhafan ee Nafaqo-Xumada Daran ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Akhriso bayaanka ay soo saartay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Fowziya Abuukar Nuur oo u qornaa sidan:

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  waxaa sharaf weyn u ah in ay shacabka Soomaaliyeed la wadaagto in la soosaaray Habraaca Daaweeynta Isku Dhafan ee Nafaqo-Xumada Daran ee Somaaliya “Somali Guidelines for Integrated Management of Acute Malnutrition” ayadoo kaashaneysa Hay’adda kashaqeeya Mashruuca Nafaqada ee Soomaaliya.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya waxa dalka ka jiray Habraacyo kala duwan ee daaweeynta nafaqa-xumada, taas oo loo adeegsado daaweynta Nafaqadarada. hay’adaha wadanka ka howlgala, kuwaaso dhamaantood waxay isticmaalaayeen habraacyadadaas kaladuwan si ay ufuliyaan mashaariicda gargaarka nafaqada dalka (Nutrition Emergancies programmes in Somalia).

Sanadkii 2010, waxay Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada qaaday talaabo markii ugu horeysay tan iyo burbukii dowladnimada Soomaaliya kadib, taas oo ah in ay sameysay Habraaca Daaweeynta Isku Dhafan ee Nafaqo-Xumada Daran ee Soomaaliya “Somali Guidelines for Integrated Management of Acute Malnutrition” ayadoo kaashaneysa hay’adaha UNICEF iyo WHO.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada waxay mar labaad soo saartay, sandakii 2018 Habraaca Daaweeynta Isku Dhafan Ee Nafaqo-Xumada Daran Ee Soomaaliya “Somali Guidelines for Integrated Management of Acute Malnutrition” kaaso oo waafaqsan habraac daaweynta WHO ee daaweynta nafaqa-darada iyo siyaasada caafimadka Soomaaliya “Samali Health Policy)

Intii lagu guda jiray Diyaarinta Habraaca Daaweeynta Isku Dhafan Ee Nafaqa-Xumada Daran ee Soomaaliya, Wasaaradda Caafimaadka waxay wadatashi la yeelatay  dhamaan dowlad goboleedyada iyo hay’adaha dalka ka howl gala gaar ahaa kuwa fuliya mashaariicda nafaqada iyo bahda wax barashada si loo soo saaro Habraacan dhameestiran, kaas oo noqonayaya Habraaca Daaweeynta Isku Dhafan Ee Nafaqo-Xumada Daran Ee Somaalia.

Habraacaan ayaa siinaya shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa nafaqada erey bixino iyo qeexitaano waafi ah iyo tusmo fudud, si ay ugu  isticmaalaan; habka baaritaanka, daaweeynta iyo ka hortaga nafaqa darada.

Anagoo si wadajir ah isku kaashaneyna Wasaaradda Caafimaadka heer Federal iyo heer mamulgoboleed iyo hay’adaha nagala shaqeeya Mashruuca nafaqada dalka waxaan rabaa inaan u xaqiijiyo ballanqaad aan kala go’ lahayn ee Wasaaradda caafimaadka Federaalka ee ah hirgelinta Habraaca Daaweeynta Isku Dhafan  Ee Nafaqo-Xumada Daran Ee Soomaaliya

Waxaan sidoo kale ku boorinaynaa dhammaan bahda caafimaadka iyo hay’adaha nagala shaqeeya mashruuca nafaqada, ee ku lugta leh maareynta nafaqo-xumada in ay hirgeliyaan Habraaca Daaweeynta Isku Dhafan ee Nafaqo-Xumada Daran Ee Soomaaliya, iyada oo loo marayo dhammaan heerarka nidaamka daweynta iyo la tacaalida Nafaqa-Xumada

Si wadjir ah haddii aan u hirgalino Habraaca Daaweeynta Isku Dhafan  ee Nafaqo-Xumada Daran waxaan qaadeynaa tallaabo yididiilo leh ee  ku aadan la dagaallanka/xakameeynta nafaqo-xumada Soomaaliya.

 

 

 

Previous Post

Wasaaradda Awqaafta oo tababar u soo gabo gabeysay howlwadeeno Wasaaradda ka tirsan iyo xubno kale “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Arrimaha gudaha oo heshiisiiyay labo beel oo walaalo ah

Next Post
Wasiirka Arrimaha gudaha oo heshiisiiyay labo beel oo walaalo ah

Wasiirka Arrimaha gudaha oo heshiisiiyay labo beel oo walaalo ah

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In