Friday, August 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Xulalka Jubbaland iyo Puntland oo bar-baro galay 

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 23, 2020
in Ciyaaraha, Wararka
0
Xulalka Jubbaland iyo Puntland oo bar-baro galay 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka ka tirsan tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedkada oo ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa galabta foodda is daray xulalka kubadda Cagta Jubbaland iyo Puntland, kaasi oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

July 31, 2025
Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

July 31, 2025

Cayaarta oo ay u soo daawasho tageen dad weyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, isla markaana kala taageerayay labada Xul ee Jubbaland iyo Puntland, isla markaana sitay hal ku dhigto ayaa muujiyay sida ay u taageersanyihiin tartamada nuucaani oo kale ah oo la xiriirta isdhexgalka bulshada.

Labada xul ayaa soo bandhigay cayaar aad u xiisa badneyd oo ay ku qanceen dhamaan dadkii u soo daawasho tagey garoonka, waxaana cayaarta qeybtii hore lagu kala nastay 0-0.

Qeybtii labaad ee cayaarta ayaa labada dhinac waxa ay muujiyeen dadaal aad u badan, waxaana cayaarta waqtigii loogu talagalay ay ku soo idlaaday bar-bar dhac 0-0.

Xidigaha xulka kubadda cagta Jubbaland oo dheelay kulankoodii 2aad ayaa leh Hal dhibic oo qura, halka Puntland oo kulan uu baaqi u yahay ay iminka leeyihiin Hal dhibic, waxaana kulankooda ugu danbeeya ay maalinta Jimcaha la ciyaari doonaan dhigooda Koonfur galbeed oo hadda guruubka  ku hogaaminaya 3 dhincood isla markaana ka soo gudbay guruubka.

Xidigaha xulka kubadda cagta Jubbaland ayaa waxa ay ku soo bixi karaan oo kaliya in Xulka Koofur galbeed ay goolal badan uga adkaadaan dhigooda Puntland, balse waxaa fursad fiican haysta Xulka Puntland oo ku soo bixi kara bar-baro ama in ay badiyaan.

biri oo Khamiis ah waxaa wada ciyaari doona Xulalka Galmudug iyo Hirshabeelle waxaana Hirshabeelle ay ku soo bixi kartaa in ay badiso oo kaliya, halka Galmudug  ay bareejo xitaa ku soo bixi karto .

Previous Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo furay kulan lagu ansixinayey sharciga Qaran ee baarista iyo ilaalinta Hilibka “SAWIRRO”

Next Post

Jadwalka Doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Barlamaanka JFS oo la shaaciyay “SAWIRRO”

Next Post
Jadwalka Doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Barlamaanka JFS oo la shaaciyay “SAWIRRO”

Jadwalka Doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Barlamaanka JFS oo la shaaciyay "SAWIRRO"

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

July 31, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka billaha ah ee Xoghayaasha Joogtada ah...

Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

July 31, 2025
0

Dr Maxamuud Mashruuc Wasiiru-dowlohii hore Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Bogaadin iyo Hambalyo u Diray...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

July 31, 2025
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya (SoDMA) mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa soo dhaweeyay go'aanka ay golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya...

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

July 31, 2025
0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa maanta ka qeyb-galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In