Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jadwalka Doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Barlamaanka JFS oo la shaaciyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Jadwalka Doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Barlamaanka JFS oo la shaaciyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) isagoo tix gelinaya heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ee ay wada gaareen Golaha Wadatashiga Qaran oo ka koobnaa Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka. Heshiiskaas oo dhigayey hannaanka iyo xilliga ay doorashadu ka dhacayso dalka.

Guddigu isagoo ka duulaya hawlaha iyo waajibaaka loo igmaday iyo marxaladdan xaasaasiga ah ee uu dalku ku jiro iyo waxa ka dhalan kara dib u dhac kale oo ku yimaadda wakhtiga doorashada, loona baahan yahay in la xaqiijiyo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan oo xilligeeda ku qabsoonta.

Related posts

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo hawlgal kulasoo wareegay deegaanno dhaca gobolka Shabeellaha Dhexe

September 12, 2026
Golaha Aqalka Sare oo maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Golaha Aqalka Sare oo maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

September 12, 2026

Guddigu isagoo tix raacaya qodobada heshiiska 17 Sebteembar 2020, wajibaadkiisa shaqo ee uu Golaha Wadatashiga Qaran siiyayna gudanaya si ay dalku uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, wuxuu maanta oo ay tariikhdu tahay 23ka Diseembar 2020 shaacinayaa taariikhda rasmiga ah ee doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay dhacayaan.

Sida ku cad hab raaca doorashada iyo heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran, waxaa lasoo hormarinayaa doorashada xildhibaanada Golaha Aqalka Sare oo ay qabanayaan Baarlamaannada Dowlad Goboleedyadu.

Sidaas darteed, diiwaangelinta tartamayaasha Doorashada Aqalka Sare waxay bilaabanaysaa 26ka Diseembar 2020, halka laga sugayo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada in liiska murashixiinta ay soo saaraan 29ka Diseembar 2020, waxaana doorashada kuraasta Golaha Aqalka Sare lagu soo dhammeystirayaa inta u dhaxaysa 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021.

Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed waxay sidoo kale 7da Jannaayo 2021 gudagalayaan diiwaangelinta, xaqiijinta iyo tababarista xubnaha odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee ka qeybgalaya xulista ergooyinka doorashada kuwaas oo lagu faahfaahiyay shuruudahooda habraacyada doorashada.

Guddigu wuxuu rajaynayaa in dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka ay si hufnaan leh uga wada qayb qaataan tartanka doorashada, beelaha Soomaaliyeedna waa in ay kaalintooda ka qaataan hawlaha doorashada, xulista ergooyinka iyo ka qeybgalka tartanka kuraasta Labada Aqal, iyada oo laga fogaanayo dhammaan wixii khilaafaad keeni kara.

Ugu dambeyn, korjoogayaasha gudaha iyo dibadda waa in ay qaataan doorkooda ku aadan la socoshoda sida doorashooyinka u dhacayaan, si loo xaqiijiyo hufnaanta hannaanka doorashada dalka.

Previous Post

Xulalka Jubbaland iyo Puntland oo bar-baro galay 

Next Post

Wasiiru dowlaha Ganacsiga oo ka qeyb galay shir weynaha labaad ee haweenka Ganacsatada “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiru dowlaha Ganacsiga oo ka qeyb galay shir weynaha labaad ee haweenka Ganacsatada “SAWIRRO”

Wasiiru dowlaha Ganacsiga oo ka qeyb galay shir weynaha labaad ee haweenka Ganacsatada “SAWIRRO”

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo hawlgal kulasoo wareegay deegaanno dhaca gobolka Shabeellaha Dhexe

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 18-aad Kumaandooska Gorgor, Guutada 12-aad Ciidanka Gaarka ah ee Gorgor iyo Guutada...

Golaha Aqalka Sare oo maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Golaha Aqalka Sare oo maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Hindise-sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya....

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalam Ali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee Wasiirrada Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee Wasiirrada Gaadiidka iyo Duulista Hawada

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Mudane Xildhibaan Cabdikariin Cabdow Xeydar, ayaa magaalada El Alamein ee dalka Masar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In