Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka tamarta oo la kulmay wakiilka hey’adda Qatar Charity ee Soomaaliya +Sawirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka tamarta oo la kulmay wakiilka hey’adda Qatar Charity ee Soomaaliya +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cabdinuur Cabdi, ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiskiisa mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda samafalka ah ee Qatar Charity oo uu hogaaminayay wakiilka hay’addaas ee Soomaaliya Mudane Cabdinuur Xaaji Cali.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa wasiiru-dowlada wasaaradda Marwo Shukri Maxamuud Afrax, wasiir ku-xigeenka wasaaradda, Mudane Daahir Cabdi Cabdullahi, agaasimaha guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed, la taliyaasha dhanka biyaha iyo hawl-wadeenada Wasaaradda.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Mas’uuliyiinta ugu sareysa wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo hay’adda Qatar Charity ayaa ka wada hadlay arrimaha horumarinta biyaha dalka iyo sidii ay gacan buuxda uga geysan lahayd hay’adda in ay kala shaqeeyaan Wasaaradda hirgalinta ceel biyoodyo laga qodo goobaha oonlaha ah ee ay ka jirto baahiyo biyo, ayadoo Wasaaradda ay qaadaneyso doorkeeda oo ah in ay hagto goobaha laga fulinayo mashaariicda horumarinta biyaha.

Dhanka kale, Xubnaha ka socday hay’adda Qatar Charity, ayaa aad u bogaadiyay kulanka ay Wasiirka wasaaradda la yeesheen, waxayna ku amaaneen mas’uuliyiinta Wasaaradda sida ay uga go’an tahay wax u qabashada dadka tabaaleysan ee u baahan in ay helaan biyo nadiif ah oo ku filan, ka hay’ad ahaanna ay diyaar u yihiin in ay raacaan qorshaha wasaaradda uga dagsan hirgalinta arrimaha la xiriira qodista ceelal biyoodyo, iyadoo tilmaanta ay Wasaaradda bixiso ay hay’adda ku hawl gali doonto.

Ugu dambeyntii, waxaa la is meel dhigay in la dardargaliyo heshiiskii ay wasaaradda iyo hay’adda kala wada saxiixdeen sanadii hore, si hawlaha badan ee horyaala laba dhinac loo fuliyo lagana amba qaado qodobada heshiiskaas.

Previous Post

Guddiga Doorashooyinka maamulka K/galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo+Sawirro

Next Post

Itoobiya oo sheegtay in ay dayactireyso masjidka Najashi oo burbur soo gaaray

Next Post
Itoobiya oo sheegtay in ay dayactireyso masjidka Najashi oo burbur soo gaaray

Itoobiya oo sheegtay in ay dayactireyso masjidka Najashi oo burbur soo gaaray

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In