Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Uqeybsanaha Arrimaha Diinta Safaarada Turkiga ee Soomaaliya Mr. OGUZ YILMAZ.
Masโuuliyiintan ayaa kawada hadlay xiriirka walaaltanimo ee Turkiga iyo Soomaaliya iyagoo sidoo kale diiradda saarayย wax qabadka iyo wada shaqeynta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo TURKIYE DIYANET VAKFI SOOMALIYA ee howlaha ku aaddan Tamarta iyo kheyraadka Biyaha iyo in la xoojiyoย hirgalinta istaraatiijiyada cusub ee ay wada yeeshaan taas oo ku aaddan arrimaha Tamarta iyo Biyaha.
kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed, wuxuuna kusoo dhammaaday is afgarad iyo wada shaqeyn dhowย inay yeeshaan Wasaaradda iyoย Turkiye Diyanet Vakfi soomaaliya.