Iyadoo ay taagan tahay xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa labada dal ee ku saabsan soohdinta u dhaxeeysa, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan waxay sheegtay maanta oo Sabti ah in eedeynta Itoobiya ee ku aaddan in Suudaan ay la shaqeyneyso gacan saddexaad ay tahay gaf aan la cafin karin.
Sidoo kale bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa lagu xusay in masuuliyiinta Itoobiya ay ku kaceen xad gudubyo la xiriira xadka labada dal, sidokalana ay weeraro gardaro ah ku hayaan dhulka Suudaan.
Xukuumadda Khartuum ayaa xustay in dhankooda ay u hoggaansami doonaan heshiisyada iyo sharciyada ilaalinta nabada iyo amniga, haddii Itoobiya la garato deris wanaag kala dhaxeeya.
Tani ayaa timid ka dib markii Wasaaradda Arimaha Dibada Ethiopia ay ku eedeysay dhigeeda Suudaan, bayaan ay shalay soo saartay, kaasi oo lagu qeexay in ciidamada Suudaan ay isku dayayaan in ay labada shacab ku qasbaan dagaal aan qiil lahayn.